Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo kulan ka yeeshay hawlgalada dalka
Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ku kulmay Xafiiskooda Magaalada Muqdisho, iyagoona ka arrinsaday hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo sidii loo dardargelin lahaa.
Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo kulanka shir guddoominayay ayaa si dhow looga hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin gaabiska ku yimid wejiga labaad ee hawlgalka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xubnaha Guddiga ay kulanka ku soo hadalqaadeen waxa keenay in wejiga labaad ee hawlgalka uu ka dib dhaco waqtigii la filayay in ciidamadu ay si wadajir ah uga bilaabaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Waxyaabaha dib u dhaca keenay ayaa la fahamsan yahay in ay ka dhalatay, iyadoo aanay weli dalka soo saarin ciidamo ka socda dalalka deriska, oo sida la sheegay ka qayb qaadanaya hawlgalada lagu wado in laga sameeyo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Wejigii hore ee hawlgalka oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo la abaabulay ayaa keentay in muddo kooban Shabaabka lagaga saaro, inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.
Qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka lagu fallanqeeyay is bedelka lagu sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo sidii shaqadii socotay loo sii wadi lahaa.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaalada uu Golaha Shacabka ku doonayo in uu kula xisaabtamo Xukuumadda Federaalka, iyadoona la filayo in Guddiga Difaaca uu u yeero Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), si wax looga weydiiyo hawlgalada dalka.












