Guddiga Doorashooyinka oo ka jawaabay cabashada Musharaxiinta Hoggaanka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka jawaabaya cabashada laba ka mid ah saddexda xubnood ee ku tartamaya Doorashada Hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qaaday tallaabo lagu ilaalinayo hufnaanta doorashadaasi oo Arbacada ka dhaceysa Magaalada Baydhabo.

Doorashadan oo ay wax dooranayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku tartamaya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo metelaya Ururka JSP, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka socda Ururka Horumar & Midnimo Qaran iyo Cabdicasiis Maxamed Cismaan oo isna ah Musharaxa Ururka Karaama.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in guddigu uu marka hore ka masuul yahay goobta doorashada, isla-markaana uu u diyaariyay ciidamo ka madaxbannaan dhammaan musharaxiinta, taas oo musharax kasta uu imaan karo.

Guddiga ayaa sidoo kale Xildhibaanada ku wargeliyay inay reeban tahay in moobeelada iyo wixii la mid ah lala galo goobta doorashada, iyadoo la ilaalinayo qaabka qarsoodiga ah ee wax lagu dooranayo.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Jawaab celinta cabashada musharaxiinta

1. Amniga Doorashada

Amniga goobta doorashada waxaa masuul ka ah Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uuna u diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka madaxbannaan dhammaan musharaxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si waafaqsan Qodobka 79aad ee Sharciga Doorashooyinka.

2. Dhexdhexaadnimada Goobta Doorashada

GMDQS waxa uu diyaariyay goob dhexdhexaad ah oo ka madaxbannaan dhammaan musharaxiinta, ayna u wada siman yihiin imaanshaheeda, si waafaqsan Qodobka 74aad, farqadiisa 2aad ee Sharciga Doorashooyinka.

3. Ilaalinta Anshaxa Codbixinta

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxa uu ku wargelinayaa Xildhibaanada in ay reeban tahay in ilo xirka codbixinta (voting booth) lala galo mobile iyo wixii la mid ah, si loo ilaaliyo qarsoodiga codka, si waafaqsan Qodobada 3aad iyo 56aad ee Sharciga Doorashooyinka ee Sharci Lr. 28- 2024.

Sidaa darteed, waxaa lagu wargelinayaa Xildhibaanada codkooda dhiibanaya inay u hoggaansamaan sharciga, codkoodana u dhiibtaan si qarsoodi ah, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara qarsoodi ahaanshaha codka.