Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska degmooyinka laga qabanayo doorashada soo socota

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa goor dambe oo xalay ahayd shaaciyay liiska Degmooyinka Dowlad Goboleedyada ee laga qabanayo Doorashada Golaha Deegaanka.
Guddiga ayaa soo saaray liiska degmooyinka ay doorashadan ka dhaceyso, ka dib markii dhawaan ay daabaceen inta badan kaararkii ay ku codayn lahaayeen dadweynaha.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada laga qaban doono 35 degmo, oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari.
Degmooyinka doorashada laga qabanayo
Koonfur Galbeed
Baydhabo, Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buurhakaba, Waajid, Berdaale, Qansaxdheere, Diinsoor iyo Xudur.
Hirshabelle
Jowhar, Beledweyne, Matabaan, Warsheekh, Cadale, Buuloburde, Jalalaqsi, Balcad iyo Mahadaay.
Galmudug
Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo, Balanballe, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Xarardheere, Guriceel iyo Masagawaa oo ka tirsan Degmada Galcad.
Waqooyi Bari
Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buuhoodle.
Guddiga Doorashooyinka ayaa war ay soo saareen lagu yiri “Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu si rasmi ah uu idiinkugu wargelinayaa in la soo geba-gabeeyay dhammaan safaradii shaqo ee la xiriiray diyaargarowga iyo hubinta hanaanka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanada ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari."
Warka ayaa lagu sheegay "Iyadoo la fulinayo jadwalka rasmiga ah ee doorashooyinka, Ururada Siyaasadda waxaa laga codsanayaa in ay si rasmi ah u bilaabaan ololaha doorashada, iyaga oo si buuxda ugu hoggaansamaya shuruucda, xeerarka iyo tilmaamaha doorashooyinka ee dalka."
Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Dowlad Goboleedyadan ayaa lagu wadaa in la qabto bisha April, sida uu 9-kii bishan sheegay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan.


