Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay saacadaha maalinta doorashada ee Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee maamulaya Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dadka ku booriyay in ay xilli hore taggaan goobaha codbixinta ee doorashada 25-ka bishan ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xalay shaaciyay in goobaha codbixinta la furi doono 6-da subaxnimo, lana soo xiri doono 6-da maqribnimo.

Guddiga Doorashooyinka ayaa jadwalkooda ku sheegay in doorashadu ay socon doonto 12 saacadood, sida la qorsheeyay.

Hase yeeshee waxaa la ogolaan doonnaa in fursad la siiyo dadka uu waqtigu ugu dhaco iyagoo saf ugu jira goobaha codbixinta, taasoo ka dhigan in dadka dib ka iman doona aysan heli doonin fursaddii ay wax ku dooran lahaayeen.

"Haddii aad saf ku jirto xilliga xiritaanka goobta, waad codeynaysaa. Tag xilli hore si aad uga fogaato ciriiriga." Ayaa lagu yiri jadwalka uu guddigu soo saaray.

Doorashada ayaa ka dhaceysa 16 degmo, waxaana dadka loo diyaariyay 523 goobood oo codkooda ay ka dhiiban karaan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa la filayaa in maalmaha Talaadada iyo Arbacada ay xoojin doonaan farriimahooda ay dadka ugu sheegayaan in ay u diyaargaroobaan doorashada Khamiista ka dhaceysa Muqdisho.

Dad gaaraya 923,220 qof ayaa isku diiwaangeliyay Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan.

Waxaa Isniinta maanta ah ku eg muddada la ogol yahay in dadkii isku diiwaangeliyay doorashadan ay ku qaadan karaan kaarka codbixinta, iyadoo qof aan kaarka haysan aanu codkiisa dhiiban karin.

15-kii bishii November ayaa Degmooyinka Gobolka Banaadir laga daahfuray bixinta kaarka codeynta, oo la siinayay dadka halka milyan ku dhow ee is diiwaangeliyay.

Doorashadan ayaa waxaa qaadacay inta badan Ururada Siyaaadda ee horaantii sanadkan isku diiwaangeliyay inay ka qayb qaataan doorashadaasi, ka dib markii ay dhaliileen hannaanka ay Dowladda Federaalka u qabaneyso doorashooyinka dalka.

41 Urur Siyaasadeed ayaa iska diiday inay soo gudbiyaan liiska Musharaxiintooda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

20 Urur Siyaasadeed oo keliya ayaa 11-kii bishan soo dhameysiray wakiilada ku metelaya doorashadaasi.

Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo ayaa la qiyaasaya in uu ku guuleysan doono codadka ugu badan.

Doorashadan ayaa waxaa lagu sheegay tii ugu horreysay ee qof iyo cod ah ee laga qabto Magaalada Muqdisho, muddo 57 sano.