Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay xubnaha ku guuleystay Doorashada Baarlamaanka Koonfur Galbeed
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa goor dambe oo xalay ahayd soo saaray liiska xubnaha ku guuleystay Doorashada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee 10-kii bishan laga qabtay 13 degmo oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Kuraasta Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo 95 kursi ka kooban ayaa waxaa ku tartamay 32 Urur Siyaasadeed oo isku diiwaangeliyay Doorashada Koonfur Galbeed, inkastoo 20 urur aysan wax kuraas ah ka helin, sida ku cad natiijada doorashada ee Guddiga Doorashooyinka uu shaaciyay 14-kii bishan.
Guddiga Doorashooyinka ayaa xalay shaaciyay xubnaha ku guuleystay 92 kursi iyo ururada ay ka kala tirsan yihiin, iyadoona uu guddigu sheegay in saddexda kursi ee harsan ay ku dhiman yihiin ururadii ay ka tartamayeen oo la faray inay si degdeg ah ku soo dhameystiraan.
"Fiiro gaar ah: Saddexda kursi ee ka dhiman liiska guud ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya, waxay ku maqan yihiin Ururadii Siyaasadda ee ay ka tartamayeen, waxaana la farayaa inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman liiskooda." Ayaa lagu yiri warka Guddiga Doorashooyinka.
Guddiga ayaa warka ku sheegay in shaacintoodan ay ka dambeysay, ka dib markii Maxkamadda Sare Dalka ay si kama dambeys ah Isniintii shalay u ansixisay natiijada doorashada.
Si kastaba ha-ahaatee magacyada 92-ka Xildhibaan ee liiskooda la soo saaray ayaa waxaa ka dhex muuqdo 16 haween ah.








