Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska ururada ku tartamaya Doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay liiska Ururada Siyaasadda ee ku tartamaya doorashada lagu wado inay daba-yaaqada bishan ka qabsoomto deegaanada Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa war uu xalay soo saaray ku sheegay magacyada Ururada Siyaasadda iyo degmooyinka ay ku tartami doonaan.

Warka ayaa marka hore lagu muujiyay in doorashada laga qabanayo 12 degmo oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool, kuwaas oo kala ah Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buurhakaba, Baydhabo, Berdaale, Diinsoor, Qansaxdheere, Xudur, Waajid iyo Ceelbarde.

Guddiga Doorashooyinka ayaa warkooda ku sheegay in 32 Urur Siyaasadeed ay ku tartami doonaan doorashada 28-ka bishan laga qabanayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Liiska Ururada Siyaasadda

Badbaado Bulsho 

Barwaaqo

Caddaaladda iyo Badbaadada

Towfiiq

Caddaaladda iyo Midnimada Tiir

Caddaaladda iyo Wadajir

Dadka Soomaaliyeed

Danguud

Dan Shacab

Dhallinyarada Talo Qaran

Dhaqaaq Soomaaliyeed

Dimoqraadiga Soomaaliyeed

Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed

Haldoor

Han iyo Hannaan Qaran

Horumar iyo Midnimo Qaran

Horyaal Qaran

Iftiin Qaran

Jiilka Cusub

Karaama

Madalsan

Midnimada Shacabka

Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Qaranka ee Dimoqraadiga ah

Qaransoor

Qiimo Qaran

Ramaas

Saab

Shaqaalaha Soomaaliyeed

Sincad

Ururka Socod

Ururka Waaberi.

Doorashadan oo hal maalin lagu qabanayo ayaa waxaa si isku sidkan loogu tartami doonnaa Kuraasta Golaha Deegaanka ee Degmooyinka iyo kuwa Golaha Wakiilada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo shacabkuna ay yihiin kuwa wax dooran doona.