Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Labadiisa Kuxigeen oo lagu doortay Baydhabo

Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Mahad Maxamed ayaa tartanka kaga adkaaday Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi, oo horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya.

Doorashadan oo ahayd mid ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu Mahad Maxamed helay 70 cod, halka Cabdixakiin Fiqi uu helay 25 cod.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Aadan Xasan Maxamed (Osama) u doortay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, halka Shamsa Maxamed Yarow ay u doorteen Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, iyadoo haweeneydan ay hadda haysay xilkaasi.

Shir Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee la doortay ayaa la fahamsan yahay in ay ka socdaan Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo 95 xubnood ka kooban ayaa lagu wadaa inay 10-ka bishan doortaan Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la hadal hayaa in loo dooran doono Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, bacdamaa aqlabiyadda Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ka tirsan yihiin JSP.