Gudoomiyaha cusub g/hiiraan oo wado qorshe ay ciidamada kula wareegayaan amniga Beledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) uu wado qorshe ciidamada u daacadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay kula wareegayaan amniga magaaladaasi.

Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo kala qaybsamay, ka dib markii Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu toddobaadkii hore xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, si adagna uu Gudoomiyuhu uga horyimid xil ka qaadistaasi, sababo ku aaddan xilliga lagu soo beegay xil ka qaadistiisa, oo uu horkacayay dagaalka ay dadka gobolkaasi isaga dul qaadayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha cusub oo Axaddii iyo Isniintii shalay Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah Kuxigeenadiisa, Gudoomiyeyaaha Degmooyinka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada ayaa u sheegay in maamulkiisu uu doonayo in gacan bir ah uu ku qabto amniga gobolka, gaar ahaan kan Beledweyne, isagoona ugu yeeray inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka.

Gudoomiyaha ayaa Saraakiisha hay'adaha ammaanka faray in ay ka hortaggaan cid kasta oo sida uu sheegay qalqal-gelineysa nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo kuwa Xoogga Dalka ee ka hawlgala gobolkaasi uu cadaadis ku saarayo in dib loo furo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, ka dib markii amar Axaddii ka soo baxay Cali Jeyte Cismaan muddo afar cisho ahi lagu hakiyay howlihii shaqo ee garoonkaasi.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gacanta ku haya amniga Garoonka Ugaas Khaliif, waxaase dul degan ciidamo u daacad ah Jeyte, kaas oo maalin ka hor loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State. Garoonka ayaa waxaa mar sii horreysay laga dejiyay Calankii Hirshabelle, lagana taagay kan cusub ee Hiiraan State.

Jeyte ayaa sheegay in Hiiraan State uu noqon doono maamul u adeegga dadka gobolka, kana madaxbannaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Beledweyne ayaa dadaal ugu jira, sidii magaalada looga saari lahaa ciidamadii yimid 18-kii bishan ee sheegay inay difaaci doonaan Gudoomiyihii xilka laga qaaday.

Madaxweyne Kuxigeenka oo kulamo ka wada magaalada ayaa isku dayaya in uu odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ku qanciyo in Hirshabelle kala shaqeeyaan in si wadajir ah looga hortaggo dagaal uu dhiig ku daato oo dadka deegaanka ku dhex mara magaaladaasi.

In badan oo ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo qaybaha kale ee bulshada gobolka ayaa la fahamsan yahay inay taageersan yihiin Ex Gudoomiye Jeyte, sababo ku aaddan iyaga oo la dhacsan doorkiisii hoggaamineed ee dagaalka Shabaabka lagaga sifeeyay bariga gobolkaasi.

Jeyte oo lahaa abaabulka iyo dardargelinta wejigii hore ee hawlgalka ayaa lagu ammaanaa in uu shacabka Soomaaliyeed tusay in muddo kooban lagaga adkaan karo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Iskusoo wada-duuboo bulshada qaybteed ayaa walaac ka muujinaysa in xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka ay horseeddo dagaal ka dhex qarxa dhinacyada is diidan ee Beledweyne ku wada sugan, haddii aanay si degdeg ah Dowladda Federaalka u soo fara-gelin.