Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Sabtidan Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan iyo xubno uu horkacayo ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay shaqooyinka guddiga ee la xiriira doorashooyinka dalka iyo marxaladaha hadda ay maraayaan, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiye Jaamac ayaa xubnaha guddiga ku booriyay, sida warka lagu sheegay in ay dhowraan dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta, isla-markaana ay u shaqeeyaan si madaxbannaan, caddaalad ah oo hufan.

"Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in guddiga ay waajib ku tahay inuu howlihiisa iyo go’aannadiisana u guto si waafaqsan shuruucda kale ee dalka, isla-markaana uu u sinnaado dhammaan dhinacyada ururada siyaasadda, musharaxiinta iyo codbixiyeyaasha." Ayaa lagu yiri warka.

Kulanka ayaa imanaya, iyadoo guddigu uu dhawaan guda gelayo qabashada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Guddiga ayaa 24-kii bishii August fadeexad kala kulmay Maxkamadda Sare Dalka, ka dib markii ay burisay natiijada doorashadii qof iyo codka ee 30-kii bishii July laga qabtay Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada ka dhacday Galmudug, ka dib markii uu sheegay inaanan loo maamulin si waafaqsan sharciga, wuxuuna go'aamiyay in doorasho ku celis ah laga qabto Galmudug, taasoo uu guddiguna aqbalay.