Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Isniinta maanta ah Magaalada Muqdisho ku dooranaya Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha cusub ayaa lagu dooranayaa Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, taas oo ku dhex taala Madaxtooyada Qaranka (Villa Somalia).

Waxaa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka isu diiwaangeliyay laba musharax oo Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ay Sabtidii guddoonsiiyeen shahaadada musharaxnimada, oo kala ah Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cumar Macalin (Daada).

Ka hor doorashada, labada musharax ayaa u leh hadal-jeedin ay ku soo bandhigayaan taariikhdooda, qorshahooda siyaasadeed iyo waxa ay qaban doonaan, haddii la doorto.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qaab qarsoodi ah ku dooran doona Gudoomiyaha cusub, iyadoona Xarunta Villa Hargeisa lagu diyaariyay sanaadiiqdii ay Xildhibaanadu ku codayn lahaayeen.

Doorashadan ayaa waxaa maamulaya guddi ka kooban sagaal xubnood oo la magacaabay 2-dii bishan, isla-markaana uu Gudoomiye u yahay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xildhibaan Jaamac oo hadda ku magacaaban Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Somaliya ayaa la filayaa in uu ku guuleysan doono jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay Jaamac ku gacan siineyso inuu ku guuleysto doorashadan, si uu u bedelo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo afartii sano ee u dambeysay ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Mr. Madoobe ayaa 10-kii bishii June loo doortay in uu noqdo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Jaamac waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxda Dowladda Federaalka iyo saaxiibka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jaamac oo horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Caddaaladda iyo diblomaasi ka soo shaqeeyay Safaaradda Somaliya ee Turkiga ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay masuuliyiinta saameynaya saaxada siyaasadda Dowladda Federaalka, isla-markaana xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka.