Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee dalka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Qatar u jooga dalka, Danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Kulanka ayay kaga wada hadleen xiriirka labada baarlamaan iyo wada shaqayntooda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

"Sidoo kale labada masuul ayaa isla soo qaaday, sidii Dowladda Qatar ay kaalin uga qaadan lahayd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo Howlwadeenada Golaha Shacabka." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Qatar ayaa sanadihii ugu dambeeyay Somaliya ka taageereysay arrimaha amniga, horumarinta iyo gargaarka.