Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed oo is casilay

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Garyaqaan Axmed Cali Muuse ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi, isagoo aan wax sabab ahi sheegin.
"Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/9/2026, waxaan iska casilay xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed, anigoo ah Axmed Cali Muuse." Ayuu Garyaqaan Axmed Cali Muuse ku sheegay warqad uu ku saxiixnaa.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa is casilaaddiisa la wadaagay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), isagoona yiri "Waxaan si ixtiraam iyo xilkasnimo leh kugu soo gudbinayaa warqaddan is casilaaddayda rasmiga ah."
Garyaqaan Axmed Cali ayaan sheegin asbaabta uu shaqada uga tagayo aan ka ahayn, sida uu warqadda ku sheegay in uu si ikhtiyaari ah u go'aansaday inuu uga dego xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
"Waxaan go'aansaday inaan si ikhtiyaari ah uga dego xilka Gudoomiyenimada Maxkamadda Sare, laga bilaabo taariikhda la aqbalo is casilaaddan." Ayuu yiri Garyaqaan Axmed Cali.
Waxa uu sheegay in muddadii uu xafiiska joogay uu ku dadaalay madaxbannaanida garsoorka, dhowrista dastuurka iyo u adeegidda bulshada Koonfur Galbeed, wuxuuna u mahadceliyay madaxda maamulka, garsooreyaasha iyo hay'adaha kale ee maamulka wada-shaqayntii dhex martay.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa bishii June ee sanadkii 2019 xeer Madaxweyne ku magacaabay Axmed Cali Muuse inuu noqdo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed.
Axmed Cali Muuse ayaa noqday Gudoomiyihii labaad ee taariikhda qabta xilka Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed, tan iyo markii la dhisay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Axmed Cali Muuse ayaa sidoo kale noqonaya Gudoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ee maamula Maxkamadda Sare ee maamulkaasi.
Is casilaaddiisa ayaa ku soo beegmeysa, xilli Koonfur Galbeed ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid ciidan oo u dhexeysa maamulka cusub ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo iyo hoggaankii hore.


