Gudoomiye Barre: Shabaab xasuuq ayay ka gaysteen Gobolka Shabellaha Hoose

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa si adag maleeshiyada Al Shabaab ugu eedeeyay qaraxii maanta ka dhacay gobolkaasi ee ay dadka rayidka ah ku dhinteen.
Gaari ay la socdeen dadkan oo ka ambabaxay Magaalada Marka, kuna sii jeeday Degmada Qoryooley ayuu qaraxu ku haleelay inta u dhaxeyso deegaanada Shalambood iyo Kabtan-laas ee gobolkaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in lix qof ku dhinteen, laba iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, ka dib markii uu qabsaday gaari nooca Caasiga ahaa.
"Maanta waxaa dhacay qarax lagu xasuuqay dad masaakiin oo safar ahaa, oo ku sii jeeday Magaalada Qoryooley, kana yimid Magaalada Marka." Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.
"Nimankii nabadiidka ahaa ayaa qarax la beegsaday, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo carruur iyo haween ay ku jiraan." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaa raaciyay "Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa saddex carruur ah, laba haween iyo darawalkii gaariga BL-ka ee Caasiga ahaa waday. Sidoo kale qaraxaasi waxaa ka dhashay dhaawaca 12 qof."
Gudoomiye Barre oo ka hadlayay nooca uu qaraxu ahaa ayaa yiri "Qaraxa wuxuu ahaa miino waddada la geliyay oo dadkaasi masaakiinta ah lala beegsaday, maadaama nimankan nabadiidka ay mar walbaba doonayaan inay ummadda Soomaaliyeed dhibaato u gaystaan oo ay gumaadaan."
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in maleeshiyada Shabaabka ay qaadayaan masuuliyadda dhibka halkaasi ka dhacay.
"Dhimashadaa iyo dhaawacaa waa mid ay iyaga dhabarka saaranayaan, oo xasuuqii ay horeyba shacabka Soomaaliyeed ugu gaysan jireen ayuu qayb ka yahay, sida maalinlaha ahna uga dhici jiray magaalooyinka kala duwan ee dalka." Ayuu yiri Gudoomiye Barre.
Barre ayaa intaasi ku daray "Marka waxay caddeynaysaa inay sii dabargo'ayaan, oo ay naf la caari yihiin, maadaama ay mar walbaba doonayaan inay dhiiggaasi oo keliya daadiyaan. Marka waa cabsi-gelin oo ay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed ku cabsi-geliyaan, sabab kale oo aan ku tilmaami karno ma jirto."
Maxamed Ibraahim Barre, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhanka kale sheegay in dadka dhaawaca culus qaba loo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho, si halkaasi lagu la tacaalo xaaladooda caafimaad.
Al Shabaab ayaan iyadu sheegan masuuliyadda qaraxaasi, inkastoo si dhow loola xiriirinayo maleeshiyadeeda.
Qaraxyada gaadiidka dadweynaha lala eegto ayaa marar fara-badan ka dhacay gobolkaasi.


