Gudoomiye Jaamac oo ka qaybgalay xuska dadkii ku geeriyooday qaraxii Isgoyska Zoobe

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay Isgoyska Zoobe uga qaybgalay xuska boqolaalkii qof ee ku geeriyooday qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay isgoyskaasi.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 10-kii bishii November ee sanadkii hore ansixyay qaraar lagu dalbanayay in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran, oo la xuso dhibaneyaasha weerarada argagixisada, gaar ahaan dhibaneyaasha qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shalay ka hadlayay Muqdisho ayaa yiri "Maalintani waxay sanad kasta noqon doontaa maalin la xuso oo la cusbooneysiiyo go'aanka qaran ee ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata."

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xalay Isgoyska Zoobe ka sheegay in 14-ka October ay tahay maalin murugo iyo tiiraanyo qaran oo aan duugoobayn, xusuusteeduna ay ebid ku suntanaan doonto quluubta shacabka Soomaaliyeed.

"Dadka waxay halkan u taagan yihiin inay xusuustaan walaalahooda, gabdhahooda, hooyooyinkooda, ilmahooda iyo dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee halkan wax ku gaaray inaysan hilmaamin oo Khawaarijtu weli dagaalkeedii uu socdo." Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiye Jaamac ayaa amaanay doorka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadda iyo amniga Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

"Waxaa xaqiiqo ah maanta nabadda lagu naaloonaayo Magaalada Muqdisho, waxaa sabab u ah shacabka Soomaaliyeed. Meel walboo ay joogaan ayay qoryaha qaateen, meel walboo ay joogaan ayayna Khawaarijta ku baacsadeen." Ayuu yiri Jaamac oo shacabka ku booriyay inay ilaashadaan amnigooda.

Qaraxii 14-kii October, 2017 oo kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Somaliya ah ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 587 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.