Siyaasiyiinta Mucaaradka oo booqanaya hoyga Shariif Sheekh Axmed ee Muqdisho

Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku qulqulaya hoyga Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu shir guddoomin doono kulan looga hadlayo xiisadda ka dhalatay ciidamada la sheegay inay Dowladda Federaalka gaysay agagaarka hoygiisa oo ku yaala nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu duulaan ku yahay guriga Madaxweynihii hore ee dalka.
"Waxaan aad iyo aad uga xunahay runtii ma ahayn wax ummadda Soomaalyeed ay sugeysay inaan hadda ka hadlayno in Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday laga celcelinayo guriga Sheekh Shariif." Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo intaa raaciyay "Waxaan ka war haynaa 5-tii illaa 10-kii habeen ee la soo dhaafay, waxa laga celcelinayay dowladda waa guriga Madaxweyne Sheekh Shariif."
Xildhibaan Odawaa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu wax ka bedelo, isla-markaana uu wanaajiyo qaabka uu sheegay inuu ula dhaqmayo Shariif Sheekh Axmed.
"Sida hadda ah in qalqal lagu hayo oo gurigiisii loogu socdo waa laga fiican yahay, waana ceeb, ummadda Soomaaliyeed ee indhaha ka daawaneysana waxaan leenahay cuqaasha, dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho iyo ummadda Hawiye ee baladkan degan, waxaa la rabaa cidda gardarrada leh in gardarrada la saaro, cidda aan gardarrada lahayna loo sheego garteeda." Ayuu yiri Xildhibaanku.


