Aadan Madoobe oo Saraakiisha Ciidamada kala hadlaya qorshaha ku laabashada Qansaxdheere

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida kala hadlaya, sidii ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) looga saari lahaa Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Ciidamadan ayaa Khamiistii bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta degmadaasi, iyagoo aan wax iska horimaad ah kala kulmin Booliska Qansaxdheere iyo kuwa Birmadka Koonfur Galbeed.

Dhacdadan ayaa waxaa loo arkaa inay dilaac siyaasadeed iyo mid ciidan ku tahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo qabsashada Qansaxdheere ay ciidamada taabacsan Laftagareen siin karto awood ay isku ballaariyaan, waxaana xusid mudan in Qansaxdheere ay noqoneyso magaaladii ugu horreysay ee ay la wareegaan garabka mucaaradka ee Laftagareen uu hoggaamiyo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in garabka Laftagareen ay ka faa'iideysteen gadood iyo kala qaybsanaan gudaha ciidamadii horey ugu sugnaa Qansaxdheere oo 98km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

"Arrintan waxay abuurtay welwel iyo shaki ah in aan la difaaci doonin magaalooyinka kale ee sidaan oo kale ay u soo abaaraan. Waxaa hadda miiska saaran oo laga hadlayaa sababta ay ciidamada ugu guuldareysteen inay difaacaan Qansaxdheere." Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo Universaltv la hadlay.

Saraakiisha Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ayaa kuu sheegaya in aan la ogolaan doonin in taageereyaasha Laftagareen ay sii haystaan Degmada Qansaxdheere.

Warar aan la xaqiijjin ayaa sheegaya in ciidamo u hoggaaminayo Abaanduulaha Qaybta 60aad, G/dhexe Faysal Cabdullaahi Cali (Beene) ay ku wajahan yihiin degmadaasi, si ay gacanta maamulka ugu soo celiyaan.

Xaaladda ka taagan Degmada Qansaxdheere ayaa imaneysa, xilli uu sii xoogeysanayo loolanka dhinacyada siyaasadda iyo militariga ee u dhexeeya dhinacyada isku haya Hoggaanka Koonfur Galbeed.