Ciidamada oo hawlgal ka wada Gobolka Hiiraan, ka dib markii laga la wareegay deegaanka Hees

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisey ay hawlgal ka wadaan gobolkaasi, ka dib markii laga la wareegay deegaanka Hees.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Jimcihii weerar uu qaraxyo bilowday ku qaaday deegaankaasi oo hoostaga Magaalada Matabaan, taas oo keentay inay ciidamadu dib uga gurtaan.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabka soo weeraray Hees ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Teedaan, oo ka mid ah deegaanada ku yaala inta u dhexeyso Magaalooyinka Matabaan iyo Maxaas, waxaana xusid mudan in Shabaabku ay 2-dii bishii August dagaal culus kula wareegeen gacan ku haynta Teedaan oo deegaan istiraatiiji ah, isla-markaana isku xira Matabaan, Maxaas iyo Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ay haatan ku sugan yihiin afaafka hore ee deegaanka Hees, isla-markaana halkaasi ay dagaalo goos goos ah ku dhex marayaan maleeshiyada Shabaabka.

Dadka deegaanka ee aagga ka ag-dhow ayaa laga soo xigtay in Shabaabka ay intooda badan deegaankaasi uga baxeen jihada Teedaan, ciidamadana ay dadaal ugu jiraan, sidii ay dib ugu la wareegi lahaayeen deegaanka.

Weerarka ay Shabaabku shalay ku qabsadeen Hees ayaa dad badani ka yaabiyay, marka aad milicsato in ciidamadii halkaasi ku sugnaa loo waday inay xoreeyaan Teedaan.

Weerarkan ayaa loo fasirtay mid ay Shabaabku dagaalka uga fogeynayeen Teedaan, oo ah deegaan muhiim u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Si kastaba ha-ahaatee, haddii ciidamadu ay si buuxda dib ugu la wareegaan deegaanka Hees ayaa waxay taasi ka yarayn doontaa cadaadis militari ee ka haysta jiidaha hore.