Gudoomiye Jeyte "Dagaalka Shabaab waan ku daalnay"

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uga warbixiyay dagaalka ka socda gobolkaasi ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha oo Isniintii wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in muddo sanad ku dhow ay dagaal toos ah kula jireen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay dhul ballaaran ka saareen.

Gudoomiyaha oo ka hor hadlayay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ku adkaatay sii wadista dagaalka, isla-markaana ay ka doonayaan qorshe si dhab ah loogu sii wadi karo dagaalkaasi.

"Waxaa maanta aad nasiib wanaag noogu ah, anigoo ku hadlaya dadkii aad ii igmatay ee reer Hiiraan afkooda, waan daalnay, dagaalkii waan wadi weynay, maanta Madaxweynow inaad dagaalkaas ur u bixiyo ayaan kaa rabnaa, ciidan hor leh u qortayaa iyo qolo bannaanka jirto noo keentayaa, dagaalkii waan dhaqaajin weynay inaad ur u bixiso weeye, haddaadba nala joogto maanta." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiye Jeyte ayaa xusay in Shabaabka ay aalaaba bedelaan xeeladahooda dagaalka, loona baahan yahay in lagu qaado guluf si buuxdo looga suulinayo gobolka.

"Runtii waan daloolinay oo way daloolaan nimanku, ku dhiirasho uun bay rabaan, in lagu dhiirado oo keliya ayay rabaan." Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Warbaahinta u sheegay in wafdigiisu uu Beledweyne u yimid, sidii loo xoojin lahaa dagaalka dagaalka ay tahay in lagu wiiqo Shabaab.