Gudoomiye Jeyte oo saluugay qorshaha dowladdu ku wajaheyso wejiga labaad ee hawlgalka 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa Dowladda Federaalka ku dhaliilay inay ka leexatay qaabkii uu ku bilowday wejigii hore ee hawlgalka, kaas oo maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaray dhul ballaaran oo ka tirsan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in hawlgalkaasi uu ka dambeeyay kacdoonkii dadweyne ee sanadkii hore ka curtay Gobolka Hiiraan, markii dambena ku fiday gobolada ku hareereysan.

"Dagaalkii aan hadda galnay wuxuu ahaa kacdoon bulsho, dowladduna ay na caawineyso, kan lagu guuleystay kaas buu ahaa, habka aan isticmaaleynay kaasuu ahaa, waxaad mooddaa in laga leexday." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dowladda Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa qorshe ay wejiga labaad ee dagaalka kaga qayb qaadanayaan ciidamo ka socda dalalka safka hore.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa duray qorshahaasi, marka aad eegto sida aanay ciidamada shisheeye daacadda uga ahayn in laga adkaado maleeshiyada Shabaabka.

Gudoomiyaha oo VOA la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inaanan laga adkaan doonin Shabaabka, haddii aan la abaabulin dadka deegaanka, qaybna aysan ka noqon dagaalka lagu la jiro.

"Haddii aan la helin lahaansho ama dadka deegaanka aan la diyaarin oo aysan qayb ka noqon hawlgalada lagu jiro, lagu ma guuleysan karo Shabaab in dalka laga saaro, aniga aragtida aan qabo oo aanan la gambanaynin, taas waaye." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa muujiyay inaanan waxba laga weydiin doonin wax kasta oo ka xumaada qorshahan ay dowladdu waddo.

Gudoomiye Jeyte ayaa ku celiyay in dhabaha keliya ee Shabaabka lagaga adkaan karo uu yahay, dagaalka oo ay door ku yeeshaan dadka deegaanka, haddii ay yihiin kuwa dhulkooda la haysto, isla-markaana kala garanaya goob kasta oo Shabaabku ay gabaad ka dhigan karaan.

"Sida keliya ee lagu guuleysan karaana waxay tahay in la helo kacdoon bulsho, waa aniga aragtida aan qabo ama tijaabo ahaan aan soo sameynay. Mar haddii aragtidaasi aysan shaqeynayn, anigana ka masuuliyad ahaan masuuliyaddiisa ay intaan ku ekeyd, dee halkaasaa aniga uga haray, wixii ka dambeeyana Madaxda Qaranka ayaa la weydiinaya." Ayuu yiri Gudoomiye Jeyte.

Gudoomiye Jeyte oo lahaa abaabulka iyo dardargelinta wejigii hore ee hawlgalka ayaa keentay in ciidamada iyo dadka deegaanka oo wada socda ay muddo kooban kula wareegaan deegaanadii ay Shabaabku ka haysteen bariga gobolkaasi, waxaana uu qorshahan dowladda imaanaya, xilli maamulka gobolku uu isku diyaarinayay hawlgal ay doonayeen inay ku qabtaan deegaanada Shabaabka kaga harsan yihiin daanta galbeed ee gobolkaasi.