Gudoomiye Jeyte oo si adag uga horyimid xil ka qaadista lagu sameeyay

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa goor dambe oo xalay ahayd soo saaray wareegto uu ku shaacinayay in xilka uu ka qaaday Gudoomiye Jeyte, isagoona jegadaasi u soo magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow). Tani ayaa ka careysiisay siyaasiyiinta iyo bulshada reer Hiiraan.

Magaalada Beledweyne oo kale waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo lagaga soo horeedo xil ka qaadistaasi, xilli dadka gobolka ay wadeen abaabul ay isugu diyaarinayaan wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, hormuudna uu ka ahaa Gudoomiye Jeyte.

Gudoomiye Jeyte oo Warbaahinta la hadlay ayaa marka hore dadka deegaanka ugu baaqay inay is dejiyaan, isagoo dhinaca kalena gaashaanka u daruuray xilliga lagu soo beegay xil ka qaadistiisa, oo dadka deegaanku ay dagaal kula jiraan Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaanka ay isu waafaqeen in la sii wado dagaalka, isla-markaana aan hadda ka dib shacabka reer Hiiraan lagu khasbin in ay ka sii mid ahaadaan Hirshabelle, oo muddo dheer ka tirsanayay in sad-bursi lagu sameeyay. Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa la isku yiraahdaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

"Waxaa la go'aamiyay in maanta ka dib ay arrintaasi meesha ka baxdo." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaa raaciyay "Waxaa mamnuuc ah qof sheeganaya magaca la yiraahdo Hirshabelle, hadduu Beledweyne joogo meeshuu ka dhoofi lahaa ma ahan Hiiraan, mid bannaanka jirana ma imaan doono."

Gudoomiyaha ayaa yiri "Waxaa xiran Garoonka Diyaaradaha Beledweyne, dhulkana waa xiran yahay, cirkana waa ka xiran yahay. Diyaaraddii ka dhega adeygta oo isku dayda inay si khalad ah wax ku soo qaaddana, dhulkaa soo dhigaynaa." 

Gudoomiye Jeyte ayaa intaasi ku daray "Ma joogno maalintii Shabaab buuraha inoo saarnaa, Shabaab waan iska farjinay, Somaliya inteeda badan maanta waa xor. Gaariga ka soo baxa Gaalkacyo, Magaalada Muqdisho ayuu toos u gelayaa, gaariga ka soo baxa Boosaaso, Magaalada Muqdisho ayuu toos u gelayaa, dhulkana waa ka xiraynaa meeshii laga imaan lahaa, cirkuna waa xiran yahay oo garoon laga soo deggi karo ma jirto, Beledweynaa laga soo deggi karin, Buulo Burdaa laga deggi karin."