Gudoomiye Kuxigeen lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay gobolkaasi lagu dilay Gudoomiye Kuxigeenkii Arrimaha Bulshada ee Degmada Wanlaweyn.

Wararka ayaa sheegaya in Haashim Maxamed Xasan (Haashim Shareere) laga la degay gaari uu la socday, xilli uu marayay tuulada Buulo Xaashi ee duleedka Degmada Wanlaweyn, daqiiqado ka dibna la dilay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabley aan heybtooda la aqoonsan ay Gudoomiye Kuxigeenka kala deggeen gaarigii uu la socday, wax yar ka dibna ay dileen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dableyda dilka gaysatay ay yihiin maleeshiyo beeleed deegaanka ah, dilkiisuna uu salka ku hayo aanooyinka xagga qabaa'ilada oo muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay deegaanada hoostagga degmadaasi.

Haashim Shareere ayaa xilligii la dilayay waxa uu ka yimid Magaalada Muqdisho, isagoona ku sii jeeday xaruntiisii Degmada Wanlaweyn.

Haashim Shareere ayaa maalmihii ugu dambeysay howlo shaqo u joogay Caasimadda Muqdisho.