Gudoomiye Najax oo sheegay in kooxihii dilka argagaxa leh u gaystay odayga aanay gabaad heli doonin

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa ku hanjabay inaysan meelna gabaad ku heli doonin kooxaha ninka odayga ah, sida arxan darrada ah ugu dilay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.
Dhacdadan oo Jimcihii dhacday ayay dadka intiisa badan ogaadeen maanta, ka dib markii Sabtidan uu barraha bulshada ku baahay muuqaal muujinaya dilka ay kooxahaasi u gaysanayaan ninka odayga ah. Kooxahan oo ah maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah ayaa si xun u jirdilay odayga oo la sheegay inuu dhimirka ka xanuunsanaa, ka hor inta aysan gubin.
"Waxaan marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qoyska iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid muwaadin si arxan darro ah loo dilay, ka dibna meydkiisa la gubay, falkaas oo ka dhacay duleedka Degmada Wanlaweyn." Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo warkan ku sheegay qoraal uu caawa ku daabacay bartiisa Facebook.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhacdadan foosha xun aan la aqbali karin, isla-markaana la qaadi doono tallaabo adag, si loo xaqiijiyo buu yiri in dembigaasi uusan mar kale dhicin.
"Dhacdadan foosha xun waa mid aan marnaba la aqbali karin. Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose wuxuu si cad u cambaareynayaa falkan, wuxuuna shaacinayaa in la qaadi doono tallaabo sharci ah oo adag, si loo xaqiijiyo in dembigaasi uusan mar kale dhicin." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in kuwii falkaasi ka dambeeyay ay waayi doonaan gabaad kasta, oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan.
"Waxaan si cad u ballanqaadaynaa in dadka ka dambeeyay falkaas foosha xun la horkeeni doono caddaaladda, ayna waayi doonaan gabaad kasta oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan." Ayuu yiri Gudoomiye Najax.
Najax ayaa xusay "Ugu dambayn waxaan farayaa Maamulka Degmada Wanlaweyn iyo laamaha amniga in ay si degdeg ah waajibaadkooda u gutaan, dembiileyaashana la horkeeno sharciga. Dowladnimo waxay ku bilaabataa Caddaalad."
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn, Cabdiqaadir Maxamed Cabdullaahi ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in hawlgalka uu bilowday, ciidamaduna ay illaa iyo hadda falkaasi u soo xireen afar nin.
Gudoomiyaha ayaa sheegaya in hawlgalku uu sii socon doono, si gacanta loogu soo dhigo dhammaan dembiileyaasha.
Dilkan argagaxa leh ee loo gaystay ninka odayga ah ayaa dhaliyay carro baahsan.


