Gudoomiye Sufurow: Dhibaatadii ugu ba'neyd ayaa ka dhacday Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa sheegay in fatahaadaha Webiga Shabelle uu ka gaysanayo gobolkaasi ay u muuqato mid faraha ka sii baxeysa.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in fatahaadaha ay si weyn u saameeyeen min deegaanka Kabxanley illaa Degmada Buuloburde, waxyeelo xoog lehna ay gaysteen.
"Laga soo bilaabo Kabxanley illaa Buuloburde, tuulo, magaalo, guri, waddo iyo iskuul wax badbaaday ma jiraan." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in gobolka uu wajahayo dhibaatadii ugu darneyd 120 sano illaa 150 sano, taariikhda inta ay xuseyso.
"Waxaa la dhihi karaa meeshaan dhibaatadii ugu ba'neyd 120 sano illaa 150 sano, taariikhda inta la ogyahay ayaa halkan ka dhacday." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Gudoomiye Sufurow ayaa codsaday in wixii itaal ee maanta la hayo loogu gurmado dadka reer Hiiraan, si nolosha dadka loo badbaadiyo.
Magaalada Beledweyne ayaa ah xudunta halka ugu daran ay fatahaadda ka jirto, iyadoona ay biyuhu barakiciyeen dadkii deganaa magaalada.
Inta la ogyahay saddex iyo toban qof ayaa ku geeriyooday fatahaadaha halakeeyay Magaalada Beledweyne, sida uu xaqiijiyay Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cabdisalaan Faarax Maxamed.
Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa walaac ka muujiyay fatahaadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka.
Roobabka mahiigaanka ee saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay ka da'ayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha ayaa xaalad bani'aadantinimo ka abuuray dalka.
Qulqulka biyaha ayaa saameeyay in ka badan 1.7 milyan oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 700,000 oo qof, oo ku kala nool deegaanada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Meelaha qaarkood oo qoysas fara-badan ay ku go'doonsan yihiin ayaa waxaa adag, sidii dadkaasi lagu gaarsiin lahaa gargaarka ay u baahan yihiin.
Somaliya ayaa dhibane u ah saamaynta isbedelka cimilada, oo sababay in dalka ay ka dhacaan abaaro is dabajoog ah iyo fatahaado soo noqnoqday.