Guluf ballaaran oo ku wajahan Magaalada Ceelbuur
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa mar kale u qalab qaatay, sidii ay maleeshiyada Al Shabaab uga saari lahaayeen Magaalada Ceelbuur.
Ciidamada ayaa hadda laba jiho kaga sii siqaaya magaaladaasi, oo maleeshiyadu ay ku leedahay saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.
Ciidamo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Arbacadii la wareegay deegaanada Ceel La-helay iyo Bulacle, oo dhaca waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.
Ciidamada oo xalay ku hoyday meel u dhow deegaanka Bulacle ayaa weerar ku ah deegaanka Ceelgaras, oo Shabaabku ay ku leeyihiin difaacooda bari ee Ceelbuur.
Ceelgaras oo deegaan istiraatiiji ah ayaa haddii ay ciidamadu qabtaan waxay kala jari doontaa gurmadkii Shabaabka Ceelbuur iyo Xiindheere.
Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle), kaas oo Sabtidii gaaray Galmudug.
Sidoo kale ciidamada ku sugan tuulooyinka ku dhow dhow deegaanka Burujeed ayaa jihada koonfureed ka kulaalaya Ceelbuur.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laga soo xigtay in ciidamada ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ay iyana dhanka waqooyi ka weerari doonaan Magaalada Ceelbuur. Ciidamadan ayay tahay inay qabtaan deegaanada Wabxo iyo Dac, halkaasna ay uga sii gudbaan Ceelbuur.
Ciidamada ayaa la faray in ay xaqiijiyaan amniga deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan Ceelbuur, ka hor inta aanay la wareegin magaaladaasi.
Saraakiisha Militariga ayaa sheegaya in ciidamadu ay isku furayaan waddooyinka, isla-markaana ay ka sifeynayaan maleeshiyada Shabaabka.
Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysa dardargelinta hawlgalka ballaaran ee lagu wiiqayo Al Shabaab.




