Gulufkii ugu ballaarnaa oo ku wajahan Magaalada Ceelbuur
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay wixii ka dambeeyo Sabtida qaadi doonaan hawlgalka ballaaran ee lagu xoreynayo Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dhowr jiho uga dhaqaaqi doonaan magaaladaasi, oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hawlgalkan uu barbar-socon doono mid kale oo ay ciidamada ku qabanayaan Degmada Galhareeri.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in horjoogeyaasha maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen Magaalada Ceelbuur, ciidanka xoogiisana ay horaan isugu geeyeen jiidda hore, sida Wabxo iyo Cowsweyne oo ay doonayaan in laga difaaco magaaladaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku diyaarsan Gobolka Mudug ayay tahay in iyana ay Shabaabka ka saaraan deegaanada ay kaga harsan yihiin koonfurta gobolkaasi.
Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga oo si weyn uga qayb qaadan doono hawlgalkan ayaa hadda u diyaarsan in ay weeraro dhanka cirka ka fuliyaan goobaha ay ciidamada ku adkaato in si dhakhsi ah uga gudbaan.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa Magaalada Dhuusamareeb u jooga dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta ee deegaanada Galmudug.
Sidoo kale Taliyaha cusub ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cabdi Salaad Shuuriye ayaa Khamiistii xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Qaybta 21aad, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda muddo toddobaad ah ku sugan Dhuusamareeb ayaa halkaasi ka sameystay bar laga la socdo wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.
Taliska Qaybta 21aad ayaa la sheegaya in uu dejiyay qorshe ay ciidamadu muddo dheer ku sii joogayaan Ceelbuur, waana sababta ugu weyn baa la leeyahay loo hawlgeliyay ku dhawaad laba kun oo askari oo dadka deegaanka ah.
Taliska ayaa wada barmaamij ay Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka isugu fidinayaan deegaanada ka baxsan Ceelbuur iyo weliba dhulka fog ee miyiga, si halkaasi looga suuliyo kooxaha argagixisada.
Tani ayaa looga hortagaya wax kasta oo Shabaabka u suurtagelinaya inay dib isaga soo abaabulaan, weerarana uga gaystaan dhulka la xoreeyay, sida dhacday marar badanba.
Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa dhawaan sheegay in toban kun (10,000) oo askari loo diyaariyay hawlgalada lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu qorshihiisu yahay in maalmo yar gudahood lagu soo geba-gabeeyo hawlgalka Galmudug, oo bilow u ah qorshaha dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.
Ciidamada Qalabka Sida ayayna tahay in hawlgalka xigga ka sameeyaan dhulka ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada dhaca daanta galbeed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.








