Guuleed oo Jukka Pajarinen kala hadlay, sidii loo bilaabi lahaa wada hadalada Somaliland
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Geeska & Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Jukka Pajarinen.
Labada dhinac ayaa si dhow uga wada hadlay, sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu hakad ku yimid.
Ergayga oo Agaasimaha iyo Safaaradda Finland uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan dowlad-dhiska dalka ayaa u sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go'an tahay in natiijo wax ku ool ah laga gaaro wada hadalada labada dhinac.
Jukka Pajarinen ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed u xaqiijiyay in Helsinki ay Muqdisho ka taageeri doonto dadaalada lagu doonayo in ay miro-dhalaan wada hadaladaasi.
Guuleed ayaa wada kulamo uu taageero caalami ah ugu raadinayo wada hadaladaasi.








