Guuleed oo Safiirka Turkiga kala hadlay, sidii loo bilaabi lahaa wada hadalada Somaliland
Ergayga Gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa gelinkii dambe ee Axaddii booqday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Safiirka Turkiga ee dalka u jooga.
Ergayga ayaa Danjire Ibrahim Mete Yagli kala hadlay muhiimadda ay leedahay dib u bilaabidda wada hadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Ergayga ayaa Safiirka u sheegay in Villa Somalia ay haatan diyaar u tahay in la sii amba-qaado wada hadaladii labada dhinac, isagoona dowladdiisa kaga mahadceliyay doorkii ay ku laheyd qabsomidda wada hadaladii hore ee dhex maray Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
"Waxaan si mug leh aan uga mahadceliyay doorkii ay dowladiisu ka ciyaartay wada hadaladii hore, waxaana la wadaagay in dowladdeenu ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland." Ayuu Guuleed ku sheegay qoraal uu xalay ku daabacay boggiisa Facebook.
Guuleed ayaa intaa ku daray "Safiirka ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dadaalada dowladda, waxaana uu noo muujiyay garab istaag buuxa."
Villa Somalia ayaa Turkiga u aragta saaxiibka ugu weyn ee uu maanta dalku leeyahay, iyadoona Ankara ay Muqdisho ka taageerto arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Turkiga ayaa Muqdisho ku leh safaaraddiisa ugu weyn ee dunida iyo weliba saldhig militari (Camp TURKSOM), kaas oo ah saldhigga ugu weyn ee uu maanta ku leeyahay dibadda.








