Hadal hayn ka dhalatay nin askari ah oo lagu toogtay Degmada Beledxaawo

Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta lagu toogtay nin askari ahaa, kaas oo lagu helay in Khamiistii uu degmadaasi ku dilay darawal mooto bajaaj oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali.
Dadka deegaanka oo ka carooday dilka bajaajlaha oo nin dhallinyaro ahaa ayaa Jimcihii magaalada ka dhigay dibadbax ay ku dalbanayaan in askarigii dilay marxuumka la horkeeno sharciga. Shacabka ayaa is hortaag ku sameeyay in la furo goobaha ganacsiga, waxaana magaalada laga dareemay in xaalad aad u kacsan ay gashay.
Ciidamada amniga oo gacanta ku soo dhigay askarigaasi ayaa isla Jimcihii horkeenay Maxkamadda Degmada Beledxaawo, iyadoona ku xukuntay xukun dil toogasho ah.
Askariga ayaa Sabtidan la geeyay fagaare ku yaala duleedka Beledxaawo, si halkaasi loogu toogto. Qoyska marxuumka ayaa dalbaday in ay qisaastan askarigaasi, taasoo ay maxkamadduna ka aqbashay.
Dhibaato kama taagno in xubnaha qoyska ay toogtaan gacan ku dhiiglaha, arrintase hadal haynta xoogga leh dhalisay ayaa noqotay, markii uu barraha bulshada ku baahay muuqaal muujinaya ninka askariga oo si toos ah loo tooganayo, tani oo dadkuna ay aad uga naxeen.
Muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqday aabaha dhalay marxuumka oo nin oday ah, isla-markaana tooganaya askariga oo tiir lagu dabray, iyadoo welibana loo tilmaamayo qaabka uu wax u dilayo. Askarigan oo nin dhallinyaro ahaa ayaa lagu magacaabayay Shuceyb Jiirow.
Marka aad milicsato nidaamka maxkamadaha, ma ahan wax maxkamadaha dowliga ahi ay ogol yihiin in si toos ah loo duubo qaabka qiyaasta looga oofinayo kii wax dilay.
Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay dhacdadan, iyadoo dadku ay aad u dhalleeceynayaan Maxkamadda Degmada Beledxaawo, oo aan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin cidda amartay in muuqaal laga duubo dilkii lagu fulinayay gacan ku dhiiglaha.
Dhacdadan ayay dadku ku tilmaameen mid ku cusub Somaliya iyo guud ahaanba deegaanada Soomaalida, inkastoo mid u eg ay sanadkii 2006 ka dhacday Magaalada Muqdisho, markaas oo Maxkamadihii Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ka arriminayay ay soo bandhigeen muuqaal uu ka soo muuqday nin si toos ah toorey loogu qisaasayo, aadna mooddo in nafta lagu silcinayay.
Dadkii daawaday muuqaalka oo ka argagaxay falkaasi ayaa isweydiiyay, sababta muuqaalka ceynkaasi oo kale loola wadaagay bulshada. Midowgii Maxkamadaha ayaa xilligaasi sheegay in ninkaasi lagu helay in toorey uu dilay nin da' ahaa, kan isna tooreyda ku dilaayayna uu ahaa ehelka marxuumka, iyaga oo mar dambena si maldahan uga cudurdaartay baahinta muuqaalkaasi.