Hal bil oo laga joogo, markii Maxkamadda Militariga ay dilka ku xukuntay lixda nin ee baxsadka ah
Maanta oo kale 22-kii bishii November ayay ahayd, markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay dilka toogashada ah ku xukuntay lixda nin ee ka soo jeeda deegaanka Yaaq-bariweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana baxsadka ku maqan.
Maxkamadda Militariga ayaa dil ku xukuntay Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey), ka dib markii ay ku heshay in 11-kii bishaasi ay shan qof ku dileen Yaaq-bariweyne oo hoostagta Degmada Wanlaweyn, shan kalena ay ku dhaawaceen deegaankaasi.
Raggan ayaa madax u ahaa maleeshiyadii ay dhowrka sano isbaarada u tiilay Yaaq-bariweyne, balse ay ciidamadu qaadeen daba-yaaqadii bishii November, iyadoo isbaaradan ay ahayd meel ay cabashadeeda soo noqnoqotay, waana tan keentay in maxkamaddu ay dib u eegto.
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigaan raggaasi, isla-markaana ay isbaarooyinka ka nadiifiyaan deegaanada hoostaga Degmada Wanlaweyn, gaar ahaan waddada laamiga ee isku xirto Wanlaweyn, Yaaq-bariweyne iyo Leego.
Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka iyo Booliska Saldhigga Degmada Wanlaweyn ayaa si gaar ah loogu soo xil saaray in ay shaqadaasi qabtaan, waxaana hawlgalkan hoggaaminaya Taliyaha Guutada 7aad, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan).
Ciidamada ayaan muddadan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan lixdaasi nin iyo inay isbaarooyinka ka wada sifeeyaan waddada laamiga ah.
Ciidamada ayay illaa iyo hadda u suurtagashay in ay qaadaan isbaaradii tiilay deegaanka Yaaq-bariweyne iyo inay soo xiraan sagaal ka mid ah kooxaha isbaaraleyda ah, kuwaas oo waqtiyo kala duwan ay soo xireen, iyadoo midkii ugu dambeeyay ay gacanta ku soo dhigeen 13-kii bishan.
Ciidamada isku dhafka ah oo fadhigeedu uu yahay Degmada Wanlaweyn ayaa xilliyada maalintii ah roondo ka sameeya waddada laamiga ee Wanlaweyn, Yaaq-bariweyne illaa Leego. Hawlgalka oo ay bilaabaan xilliyada barqadii ayayna soo geba-gabeeyaan galbihii, iyagoona habeenkii ku hoyda gudaha Wanlaweyn.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha isbaaraleyda ay habeenkii dib ugu soo laabtaan waddada, iyagoo ka faa'iideysanaya muddada ay ciidamadu nasiinada ku maqan yihiin.
Kooxahan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa waxaa ku dhafan ragga dilka ku xukuman ee la raadinayo, waxaana xilliyada habeenkii ah si firfircoon loogu arkaa waddada u dhaxeyso Yaaq-bariweyne iyo Leego, halkaas oo ay u taagan yihiin gaadiidleyda iyo rakaabka la socdaba.
Ragga la baadigoobayo ayaa gabaad ka helay maleeshiyada beesha ee aadka u hubeysan, taasoo adkeysay in si dhakhsa ah gacanta loogu soo dhigo.
Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka mid ah Xildhibaanada beesha maleeshiyadan ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa 29-kii bishii November sheegay in gebi ahaanba ay beeshu diidan tahay xukunkaasi, sababtoo ah waxaa in la xukumay sida uu yiri iyagoo aan haysan qareeno difaaca.
Taliye Axmed Gaashaan ayaa wacad ku maray in dhawaa iyo dheerba ay gacanta ku soo dhigi doonaan raggaasi, isla-markaana ay ku soo simi doonaan gacanta maxkamadda.








