Haweeney xaamilo ahayd oo lagu dilay Magaalad Baydhabo

Askari ka tirsan ciidamada amniga ayaa goor dhow Magaalada Baydhabo ku dilay haweeney xaamilo ahayd, iyadoo aan illaa iyo haddana la aqoon sababta uu u dilay.
Wararka ayaa sheegaya in dhacdadan ay ka dhacday xaafadda Sheebta oo ku taala dhanka koonfureed ee magaalada.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen askarigaasi, isla-markaana ay ka hor istaageen in uu goobta ka baxsado.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in askariga dilka gaystay uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee qaabilsan amniga magaalada.
Ma cadda sababta uu askarigu u dilay haweeneydaasi, marka laga soo tago warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ay haleeshay rasaas uu askarigaasi furay.
Maamulka degmada iyo hay'adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin dilka uu ninka askariga u gaystay haweeneyda xaamilada ahayd.
Dhanka kale meydadka haweeneydan ayaa baaritaan loogu qaaday Isbitaal Goboleedka Baay ee Baydhabo, halkaas oo lagu baaro meydadka dadka lagu dilo magaalada, ka hor inta aan xubnaha qoyska loo ogolaan inay aastaan.
Dhacdadan ayay ka naxeen dadka deegaanka, waxayna noqotay waxa ay ugu hadal haynta badan yihiin dadka ku dhaqan xaafadda Sheebta.