Haweeneyda ku eedeysan dilka Saabiriin Saylaan oo kiiskeeda uu adag yahay
Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo, qaybta Puntland ayaa Khamiistan bilowday dhageysiga dacwad ciqaabeedka loo haysto Hodan Maxamuud Diiriye, oo ah qofka koowaad ee ku eedeysan inay si naxariis darro ah waqooyiga Gaalkacyo ugu dishay Saabiriin Saylaan Cabdille.
Saabiriin Saylaan oo 14 jir ahayd ayaa 12-kii bishan u geeriyootay jirdil in muddo ahba lagu sameynayay, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta Isbitaalka Weyn ee Gaalkacyo.
Saabiriin Saylaan oo waalidiinteeda ay kol hore dhinteen ayaa la nooleed qoys ay qaraabo yihiin, oo ah qoyskan lagu eedeynayo in ay gacantoodu ku baxday.
Hodan Maxamuud iyo saygeeda Cabdicasiis Nuur Xaashi ayaa la horkeenay Maxkamadda Darajada 1aad ee Gaalkacyo, iyadoo Cabdicasiis Nuur uu ku eedeysan yahay in Hodan uu ku gacan siinayay tacadigii ay u gaysaneysay marxuumadda.
Bilowgiiba Hodan ayaa isku difaacday in habeenkii ay gabadha dhiman doonto ay cannaanatay oo jeedal ama shaabuug ay la dhacday gabadha, balse aysan waxba ka ogeyn geerideeda iyo asbaabta ay u dhimatay.
Hase yeeshee Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fadhiga maxkamadda ka shiday muuqaalo laga helay Camera CCTV-ga ee ku xiran hoyga qoyskaasi iyo moobeelka Hodan. Muuqaalada ayaa laga daawaday Saabiriin oo gacmaha iyo lugaha la isugu xiray oo xabadkana dhulka loo dhigay. Muuqaalada ayaa laga arki karay Saabiriin oo sakaraadeysa, isla-markaana la garaacayo.
Caddeymahan uu Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigay ayaa waxaa ka argagaxay dadkii ku sugnaa maxkamadda iyo kuwii kale ee sida tooska ah uga daawanayay barraha bulshada.
Dadka reer Gaalkacyo oo muuqaalada ka daawanayay barraha bulshada ayaa isugu soo baxay magaalada, iyagoona dhigay bannaanbax ay mar kale ku dalbanayaan in gabadhaasi yar ee la silciyay ay caddaalad hesho.
Ka dib markii muuqaalada la daawaday, Hodan Maxamuud ayaa sheegtay inaysan garaneyn sida ay wax ka noqdeen, waxayse ku andacootay in marka ay xanaaqdo ay gaarto heer aysan is xakamayn karin, waxayna marqaati ka dhigatay Cabdicasiis Nuur.
"Aniga ma aqaan markaas siday maskaxdeeda ahayd, waana xanuunsanaa, waana dhacaa. Markan xanaaqo waa dhacaa, waana suuxaa, isagaba wuu ogyahay, wuuna iga warqabaa. Markan xanaaqo qofna la igama qaban karo, wuu ogyahay xaaladdaas, waana xanuunsanahay, waana miyir doorsoomaa, haddana dhiikar baan qabaa. Waxyaabaha badanaa marka aan samaynayo isma koontorooli karo." Ayay tiri Hodan Maxamuud.
Cabdicasiis Nuur oo isna hadlayay ayaa sheegay in 3-dii bishan uu furay Hodan, ka dib markii ay ka dalbatay inuu furo, waana wax buu yiri soo socday, ka dib 16 sano oo ay wada joogeen.
Cabdicasiis Nuur ayaa maxkamadda ka hor sheegay in uusan waxba kala socon, wixii Saabiriin loo gaystay. Waxa uu intaasi ku daray in uu awoowe xagga aabaha ugu aaddan yahay gabadha, wuxuuna muujiyay, sida uu uga xun yahay qaabka ay ku dhimatay, isla-markaana uu ka tacsiyeynayo.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Degmada Gaalkacyo, Maxamuud Cabdisalaan Cabdille (Al Jabarti) oo fadhiga maxkamadda soo xiray ayaa dalbaday in eedeysaneyaasha lagu celiyo xabsiga, isagoona muddeeyay in fadhiga xiga ay isugu iman doonaan maalinta Isniinta ee soo socota.
Kiiskan ayaa xasaasi ka noqday gudaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana xusid mudan in Ururka Haweenka Gobolka Mudug ay ka biyo diidan yihiin in la aaso marxuumadda, iyadoo aan caddaalad helin.
Meydka Saabiriin ayaa ku jira qaybta qaboojiyaha Isbitaalka Weyn ee Gaalkacyo ee meydadka lagu kaydiyo, waxayna dumar u badan eheladeeda ay sheegeen in meydkeeda uu ku sii jiri doono qaboojiyaha, illaa iyo inta maxkamadeynta laga soo geba-gabeynayo.
Masuuliyiinta Puntland ee gobolka iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa isku dayaya in ay dejiyaan carrada haweenka, taasna ay ku iman karto marxuumadda oo caddaalad hesho.
Faysal Sheekh Cali, Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo ahmiyad siinaya in gabadhaasi ay caddaalad hesho ayaa goobjoog ka ahaa fadhigii maxkamadda ee maanta.
"Waxaan u kuurgalay habsami u socodka dhageysiga dacwadda, anigoo ku dhiirigeliyay hay’adaha garsoorka iyo ciidamada amniga inay sii dardargeliyaan howlaha caddaalad u helidda dacwadda, isla-markaana kiisku u socdo si hufan, caddaalad ah oo waafaqsan xeerarka dalka." Ayuu yiri Gudoomiyaha oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.
Dadka ayaa u dheg taagaya, waxa ka soo kordhi kara fadhiga xiga maxkamadda ee maalinta Isniinta.









