Hawlgal ay ka qayb qaateen Ciidanka ATMIS oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

Hawlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Xawaadley iyo Shanlow ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in hawlgalka ay iska kaashadeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.
Taliyaha Xoogaga Macawiisleyda ee deegaanka, Maxamed Cali Abuukar (Kalaay) ayaa sheegay in labada ciidan ay weerareen goob ay isku uruursanayeen maleeshiyada Al Shabaab.
"Beero ay soo galeen ayaan ka war helnay abaabulkoodii, meeshii ayaana ka duldegnay. Runtii dagaal ayaa ka dhacay, dagaalka ka dibna way carareen." Ayuu yiri Maxamed Cali Abuukar.
Waxa kaloo uu yiri "Annaga iyo ATMIS ayaa weerarka qaadnay, waana ku guuleysanay, taatikadii ay isticmaali rabeen ayaan ka hortagnay."
"Meesha lagu dagaalamay waa meel kayn oo dhul beereed ah, xilligaana waa xilligii tacabka beeraha, nimankiina meesha way ka taggeen oo webiga ayay dhinaca kale ka mareen." Ayuu sii raaciyay Kalaay.
Kalaay ayaa tilmaamay in weerarka lagu dilay, laguna dhaawacay xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, isagoo xusay in meydadka iyo dhaawacyadooda ay ku daadgureeyeen mootooyinka laba lugaaleyda.
Kalaay oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaan sheegin wax khasaare ah oo labada ciidan ka soo gaaray hawlgalka ay iska kaashadeen.
Ciidamada uu hoggaamiyo Kalaay oo ka mid ah kuwa la baxay (Afjar) ayaa maalmihii ugu dambeysay dhaqdhaqaaq ciidan ka waday qaybo ka mida Gobolka Shabellaha Dhexe, waana ciidan qaab beeleed u abaabulan oo Ciidanka Xoogga Dalka ka gacan siinaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Shabaabka.


