Hawlgal ballaaran oo ka bilowday Galmudug iyo goobaha ciidamada ku sii jeedaan

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada maamulkaasi uu haatan si rasmi ah uga bilowday Gobolka Galgaduud.
Ciidan xoog leh oo saakay ka ruqaansaday Degmada Galcad ayaa la sheegaya in ay ku sii jeedaan deegaanka Cowsweyne, oo ka mid ah difaacyada ugu muhiimsan ee ay maleeshiyada Shabaabka ka difaacayaan Magaalooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur. Cowsweyne ayaana ku taala inta u dhaxeyso Galcad iyo Galhareeri.
Ciidamada ayaa la sheegaya inay cagta sii mariyeen maleeshiyaad tiro yar oo ku sugnaa deegaanka Baraagta Sheekh Caamir iyo tuulooyinka kale ee ku dhow dhow.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay sidoo kale ku sii siqayaan deegaanada darafyada kaga yaala Galcad, sida Burtuble, Waniinle, Gal-libaax iyo Tawakal, waana ciidamada qaybta ka ah gulufka lagu qabanayo Cowsweyne.
Gulufkan ayaa waxaa door weyn ka qaadanaya Xoogaga Kumaandooska Danab & Gorgor ee Xoogga Dalka. Xoogagan ayaa muhiim u ah qorshaha la dejiyay ee lagu xoreynayo Galhareeri.
Sidoo kale ciidan kale oo ka soo ruqaansaday deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la soo sheegaya inay la wareegeen deegaanka Cali Heele oo hoostagga Galcad.
Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ayaa lagu wadaa in ay si buuxdo isugu furaan waddada Galcad iyo Masagawaa.
Sidoo kale Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka ayaa duhurnimadii maanta ka dhaqaaqay barrihii ay kaga sugnaayeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyagoona cagta saaray waddada deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud. Wabxo ayaa ah bar kale oo Shabaabku ka difaacayaan Magaalada Ceelbuur.
Ciidamadan oo ay kaabayaan xoogag deegaanka ah oo la abaabulay ayay wararku sheegayaan inay la wareegeen deegaanka Ceelgorof, oo ay uga sii gudbi doonaan Wabxo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Militariga Itoobiya ee ka tirsan ATMIS ay ka qayb qaadanayaan istiraatiijiyadda ay ciidamadu ku qabanayaan Wabxo iyo Ceelbuur.
Dhowr kun oo askari oo hadda ku diyaarsan Magaalada Dhuusamareeb ayaa qayb ka ah qorshaha lagu qabanayo Ceelbuur. Ciidamadan ayaa la filayaa in jiidda bari kaga dhaqaaqaan Ceelbuur.
Hawlgalkan dhowrka weji leh ayaa waxaa kaabaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, kuwaa oo maanta bartilmaameedyo ka fuliyay goobo ay Shabaabku kaga sugnaayeen Gobolka Galgaduud. Duqaynta xoogeeda ayaa la soo wariyay inay ka dhacday inta u dhaxeyso Galcad iyo Galhareeri.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa filaya in ciidamadu ay maalmo kooban gudahood ku xoreeyaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan Bariga Gobolka Galgaduud.
Waa gulufkii ugu ballaarnaa ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qaaddo Shabaabka Gobolada Dhexe, si maalmaha dhow loo soo afjaro joogitaankoodii Galmudug.


