Hawlgal ka dhan ah Al Shabaab oo dib uga bilowday Gobolka Hiiraan
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka (Macawiisley) ayaa maanta dib u soo cusbooneysiiyay dhaqdhaqaaqyadoodii Gobolka Hiiraan ee lagu la dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay weerar ku qaadeen maleeshiyadii dhawaan dib ugu soo laabatay deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow oo hoostaga Degmada Buuloburde.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay halkaasi dagaal kula galeen Shabaabka, dibna ay uga saareen.
Hawlgalka ciidan ayuu ujeedkiisu yahay in lagu xaqiijiyo ammaanka dhulka hawdka ee kala qaybiya bariga iyo daanta galbeed ee Webiga Shabelle.
Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda abaabulaya ciidamo la qorsheeyay in ay hawlgal ka bilaabaan waddada xiriirisa Beledweyne iyo Halgan, si Shabaabka looga fogeeyo deegaanada bariga gobolka ee ku dhow dhow webiga jiinkiisa.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hawlgalkan uu bilow u yahay guluf ballaaran oo la doonayo in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay ugu tallaabaan daanta galbeed ee webiga, halkaas oo Shabaab ay kaga xoogan yihiin gobolka. Wejigii koowaad ee dagaalka ayaa Shabaabka looga saaray deegaanada dhaca bariga gobolkaasi, inkastoo goobo fara ku tiris ah ay suurtagashay inay dib ugu soo laabtaan.
Dhanka kale masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ku sugan Magaalada Beledweyne, iyagoo ka shaqeynaya dardargelinta dagaalka dib-u-xoreynta dalka.
Masuuliyiintan oo Talaadadii Beledweyne kula kulmay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan ayaa isku afgartay in la dhameeyo khilaaf la sheegay in uu kala dhaxeeyay dowladda.
Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta gobolka ee sheegtay in ay madaxda ka yihiin Maamulka Hiiraan State ee laga garab dhisay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Dhismaha Hiiraan State ayaa la sheegaa in uu ka dambeeyay, ka dib markii dadka reer Hiiraan ay cabasho ka muujiyeen sad-bursi ay sheegeen inay ku kaceen dadka wax kala dhaxeeyaan ee dega Gobolka Shabellaha Dhexe.
Maleeshiyo ka amar-qaata Hiiraan State ayaa horey ula wareegay xarumihii maamulka gobolka, tan degmada iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku yaala Beledweyne. Maleeshiyadan ayaa sidoo kale jidgooyooyin dhigtay duleedka magaaladaasi.
Sanbaloolshe iyo xubnaha la socda ayaa la sheegay inay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan ku qanciyeen in xarumahaasi lagu soo celiyo gacanta dowladda, in maleeshiyada laga saaro magaalada iyo in la qaado jidgooyooyinka ay dhigteen.
Sanbaloolshe oo hoyga uu ka degan yahay Beledweyne kulamo kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi ayaa weydiistay in dowladda laga la shaqeeyo, sidii maleeshiyadaasi ay ugu laaban lahayd jiidda hore ee dagaalka lagu la jiro Al Shabaab amaba ay kala taggaan.
Si kastaba ha-ahaatee dhaqdhaqaaqa dib uga bilowday gobolkaasi ayaa qayb ka ah diyaargarowga ciidan ee Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu ka wado Gobolada Dhexe ee lagu qabanayo deegaanada ay Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.