Hawlgal ka dhan ah ciyaal weerada oo laga sameeyay Degmada Dayniile

Ciidamada amniga ayaa xalay hawlgal ka dhan ah kooxaha ciyaal weerada, waxay ka sameeyeen xaafadaha Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xaafado ay cabasho ka soo yeertay dadka degan, ka dib markii ay ku soo bateen kooxaha falalka amni darrada ka gaysanaya xilliyada habeenkii.

Ciyaal weerada oo koox koox u abaabulan, isla-markaana ku hubeysan baangado iyo mindiyo ayaa xilliyada habeenkii dadka shacabka ah ku baarta xaafadaha Magaalada Muqdisho, kuwaa oo mararka qaarkoodna gaysta dilal aad looga naxo.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Dayniile, Axmed Cali Yalaxow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalkan uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay kooxaha ciyaal weerada, inkastoo aanu sheegin cid ay hawlgalkaasi ku soo qabqabteen.

Taliyaha ayaase farriin adag u diray kooxahaasi oo dhibaato weyn ku haya bulshada reer Muqdisho, isagoona yiri "Waxaan u sheegaya qof walba ama xubin walba oo rabto inay dhib ka gaysato Degmada Dayniile inaanan loogu dulqaadan doonin, isla-markaana gacan bir ah lagu qaban doono ama guri ku dhuumo ama mooto ku soo gal oo horey u sii soco, meel walba waan taaganahay."

Taliyaha ayaa dadka deegaanka kula dardaarmay "Guud ahaan dadka ku nool Degmada Dayniile, waxaan ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan Booliska Soomaaliyeed, har iyo habeen farriimihiina iyo cabashadiina waan ka jawaabaynaa."

Kooxaha Ciyaal weerada waa mushkilad kale oo amni oo sanadkii hore ku soo korodhay Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isku dayaya in ay wax badan ka bedelaan xaaladda amni ee magaalada.

Muqdisho waxaa xilliyada habeenkii laga sameeyaa hawlgal saddex weji leh, oo lagu la dagaalamayo Amniyaadka Al Shabaab, ciyaal weerada iyo weliba muqaadaraadka, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), waana hawlgal gaar ah oo loogu talagalay in bishan Ramadan lagu xaqiijiyo amniga magaalada.