Hawlgal laga sameeyay Jambaluul oo lagu dilay xubno Shabaab ah

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta sheegtay in ciidamadeeda ay xalay hawlgal qorsheysan ka sameeyeen hawdka deegaanka Jambaluul oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay sheegtay in lagu dilay 12 nin.

Hay'adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in xubnaha lagu dilay hawlgalka uu ku jiro hojooge ay sheegtay in ciidamadu ay ku daba joogeen.

"Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay hawlgal qorsheysan ku dilay illaa 12 dhagarqabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogay, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose." Ayaa lagu yiri war ay NISA soo saartay.

Warka ayaa lagu sheegay "Hawlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday godad ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay ku diyaarinayeen qaraxyo ayaa intii uu socday isu bedelay dagaal fool-ka-fool ah, iyada oo uu cadowga Khawaarijta hoobiyeyaal la beegsaday goobo ay dad shacab ah degan yihiin, isla-markaana waxay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo laba askari oo ka tirsan Ciidanka NISA, kuwaas oo dowladdu ay gacanta ku hayso maareyntooda iyo daryeelkooda caafimaad."

NISA ayaa waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xun tahay waxyeelada dadka rayidka ah ka soo gaartay, waxa ay ku sheegtay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, isla-markaana ay xoojin doonaan hawlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

"Dowladda Somaliya waxay aad uga xun tahay waxyeelada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, waxayna xoojineysaa hawlgalada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo Dowladnimada Somaliya." Ayaa lagu soo geba-gabeeyay warka.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegtay in maleeshiyadeeda ay weerar qarax la beegsadeen gaadiid ay la socdeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo marayay duleedka Degmada Afgooye.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaai lagu gubay gaari uu noociisu ahaa Cabdi Bile, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ciidamada ka soo gaaray weerarkaasi.

Shabaabka ayaan sheegin goobta rasmiga ah ee weerarku uu ka dhacay, marka laga soo tago uu ka dhacay duleedka Afgooye, waxayna u badan tahay in ay uga la jeedaan aagga Jambaluul.

Jambaluul waxay ka mid tahay deegaanada hoostagta Degmada Afgooye, isla-markaana ay muddada dheer ka arrimineyso Al Shabaab.