Hawlgalka Cagafta ee Muqdisho oo ku fiday xaafadda Waayaabe

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka xoog ku galay xaafadda Waayaabe ee Degmada Xamar Jajab, si looga barakiciyo qoysaska danyarta ah ee halkaasi degan.
Ciidamada oo fulinaya Hawlgalka Cagafta ee lagu burburiyo guryaha la degan yahay ayaa gudaha u galay xaafaddaasi, iyagoo rasaas ridaya, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku soo tooseen rasaas ka dul dhaceysa oo ciidamada ay furayaan, taasna ay argagax gelisay dhammaan dadka ku dhaqan xaafaddaasi.
Ciidamada ayaa dadka deegaanka u sheegay in ay si dhakhsa ah alaabahooda halkaasi uga qaataan, kahor inta aan dhulka lala simin guryaha loo socdo in la burburiyo.
Dhanka kale askar ka tirsan kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo maqlay in la galay xaafadda Waayaabe oo qoysas ay u deganaayeen ayaa waxay isku dhaceen Ciidankii Booliska ee hawlgalka burburnta ka waday.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in labada ciidan ay isku adeegsadeen qoryaha daran-dooriga u dhaca, illaa markii dambe ay ku soo baxeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaaqadaasi ay ku dhinteen laba qof oo midi ay haweeney tahay, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka deegaanka ayaa la arkayay iyagoo alaabahooda madaxa ku wata oo banneynaya xaafadda isku raranka ah ee Waayaabe. Qaar yar oo ka mid ah ayay u suurtagashay in ay helaan gaadiid ay alaabtooda ku qaataan.
Qoysaska la barakiciyay ayaa waxay ka cawdeen inaanan la siinin fursad ay xitaa ku guuraan iyo iyaga oo aan haatan garaneyn meel ay afka aadiyaan.
Hawlgalka Cagafta oo Maamulka Gobolka Banaadir uu gadaal ka riixayo ayaa dareen dhiilo leh ka abuuray Magaalada Muqdisho.


