Hawlgalka waddada Wanlaweyn iyo Leego oo galay toddobaadkiisii 3aad
Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa hoggaaminaya hawlgalka gaarka ah ee isbaarooyinka lagaga sifeynayo Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada Militariga iyo Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa hawlgalkan si gaar ah uga wada waddada xiriirisa Degmada Wanlaweyn iyo deegaanada Yaaq-bariweyne & Leego oo hoostaga degmadaasi, iyadoona hawlgalku uu Isniintii galay toddobaadkiisii saddexaad.
Ciidamada ayaa fulinaya amarka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee ku saabsan in ay isbaarooyinka ka nadiifiyaan waddadaasi, ka dib markii ay soo noqnoqdeen cabashada ay ka keeneen darawalada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka.
Ciidamadan ayaa waxay kaloo amar u haystaan inay gacanta ku soo dhigaan lix nin oo maxkamadda ay dil ku xukuntay iyagoo maqaneyaal ah. Maxkamadda ayaa raggan 22-kii bishii November ku heshay in ay dad ku dileen deegaanka Yaaq-bariweyne.
Ciidamada ayaa dhalleecayn kala kulmaya qaabka ay hawlgalkan u wadaan, sababtoo ah saacado kooban oo hawlgalka ay maalintii ka sameeyaan waddadan, gaar ahaan jidka isku xira Yaaq-bariweyne iyo Leego.
Darawalada gaadiidka ayaa dhibaato ku qaba inay maraan waddada Yaaq-bariweyne iyo Leego, saacadaha uu hakadka ku jio hawlgalkan.
Ciidamada hawlgalkan qaabilsan oo taliskoodu uu yahay Degmada Wanlaweyn ayaa xilliyada barqadii hawlgalka ka bilaaba waddada laamiga, iyagoona soo geba-gabeeya galbihii oo ay dib ugu laabtaan Wanlaweyn. Muddadaasi waxay waddada ka gudbiyaan baabuurta xamuulka, waxayse mushkiladdu tahay saacadaha aanu hawlgalku socon inay waddada dib ugu soo laabtaan maleeshiyaadka jidka u istaaga gawaarida.
Taliyaha Guutada 7aad, Axmed Gaashaan ayaa Isniintii wacad ku maray in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan maleeshiyadaasi.
Kooxahan ayaa caqabad ku ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga, marka aad eegto in ay lacago sharci darro ah ka doonayaan gaadiidleyda isticmaasha waddadaasi.
Waddadan ayaa marin muhiim u ah dhaqdhaaqa ganacsiga ee Mudisho iyo Gobolada Koonfureed.



















