Hay'adaha ammaanka oo 16 qof u soo qabtay weerarkii Hotel SYL ee Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa sheegtay in laamaha amniga ay gacanta ku soo dhigeen 16 qof, oo ku eedeysan ku lug lahaanshaha weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay gacanta ku soo dhigtay Cabdinaasir Daahir Nuur, oo lagu eedeeyay inuu suurtageliyay in magaalada la soo geliyo gawaaridii weerarka loo adeegsaday.

"Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guuleysatay in ay soo qabato Cabdinaasir Daahir Nuur, oo ahaa shakhsigii suurtageliyay in magaalada ay soo galaan gawaarida falka argagixiso lagu gaystay. Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah illaa iyo afar eedeysane oo ku diiwaan-gashan milkiyadda labada gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xubnaha kale ee gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa ku jira sida warsaxaafadeedka lagu sheegay 5 askari, oo ka shaqeynayay barraha amniga lagu hubiyo ee ay ka soo gudbeen raggii weerarka gaystay.

"Dhammaan shabakadda Khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonnaa caxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan caddaaladda." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo xalay ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta.

Weerarkan oo ay Al Shabaab sheegatay ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ninkii kaxeynayay uu isku qarxiyay bannaanka hore ee hotelka, ka dibna ay gudaha u galeen rag hubeysan oo toogasho ka gaystay hotelkaasi.

Illaa shan nin oo ku lug lahaa toogashada ka dhacday hotelka ayaa dhammaantood la dilay, sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Qaasim Axmed Rooble.

Hotelkan oo si weyn ammaankiisa loo ilaaliyo, ayna ka horreyan barro kontorool oo amniga lagu hubiyo ayaa goobta uu ku yaalo aysan mari karin gaadiidka ay la socdaan dadka aan wadan aqoonsiyada ama ID kaarada Dowladda Federaalka.

Dad badankii ayaa fahamsan inaanay Shabaabku weerari kari lahayn hotelkan oo ku yaala xeendaabka Villa Somalia, haddii aysan jiri lahayn gacan gudaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si aan looga baran uga dhiidhiyay weerarka, iyagoona adkeynaya in arrintan ay cid masuuliyaddeeda qaaddo, si loogu ciqaabo, xilkeedana ay ugu weydo. 

Hay'adaha ammaanka oo culeys kala kulmaya labada xafiis ee dalka ugu sarreya, si jawaabo loogu helo su'aalaha ka dhasha weerarka ayaa isku dayaya in ay dardargeliyaan baaritaankooda.

Baaritaankan oo ay hoggaamineyso Hay'adda NISA ayaa waxaa kala shaqeynaya Saraakiil ka tirsan Booliska & Militariga iyo xubno kale oo ka socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Raysal Wasaaraha.

Weerarkan ayaa muujiyay in Shabaabku ay carqaladeyn karaan amniga Villa Somalia, waana sababta ay uga gilgisheen Madaxda Qaranka, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku fooganaa hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Madaxda Qaranka ayaa la sheegaya in ay doonayaan isbedel dhab ah, si aanay Shabaabku dib dambe wax weerar ah uga gaysan goobta loo yaqaano aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo iyo guud ahaanba magaalada.