Hay'adda IMF oo soo geba-gabeysay wejiga 5aad ee hannaanka dayn-cafinta dalka

Hay'adda Lacag Adduunka ayaa sheegtay in la soo geba-gabeeyay wejiga 5aad ee barnaamijka dayn-cafinta Somaliya, inkastoo ay hay'addu sheegtay in ay weli jiraan caqabado horgudbin dhameystirka dayn-cafintaasi. Hay'adda ayaana Dowladda Federaalka ugu yaboohday sagaal dhibic afar milyan oo dollar ($9.4M), si loo taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.
Hay'adda ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay horey u qaadday tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah dayn-cafinta, isla-markaana ay la timid is bedel xoogan oo lagu qanci karo.
"Horumarka joogtada ah ee masuuliyiinta ee hoos yimaada geeddi-socodka dalalka daymaha leh ayaa muhiim u ah in la dhigo aasaaska lagu gaarayo dhameystirka dhammaadka 2023. Taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah iyana waa lagama maarmaan, si loo taageero dadaalada siyaasadda ee dowladda." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hay'adda.
Bayaanka ayaa lagu sheegay "Dhameystirka dib u eegista ayaa awood u siineysa in si degdeg ah loo bixiyo $9.4M, taasoo ka dhigeysa wadarta bixinta kharashaadka Somaliya ee hoos yimaada Hay'adda Kaydinta Dheeraadka ah (ECF) qiyaastii $386.1M. Dhameystirka dib-u-eegista, Guddida Sare waxay ansixiyeen ka dhaafitaan la'aanta ilaalinta heerka shaqo ee December 2022 ee kharashka ku baxaya magdhowga shaqaalaha, badeecadaha iyo adeegyada degdegga ah ee ku saleysan tallaabooyinka sixitaanka ee miisaaniyadda dheeriga ah ee 2023. Guddiga Fulinta ayaa sidoo kale ansixiyay kaalmada ku-meel-gaarka ah ee afraad, oo ah $2.211M si ay u daboosho 100% adeegga daynta Somaliya ee ay xaqa u leedahay Hay'adda IMF, taasoo ku dhaceysa inta u dhaxeysa 17-ka bisha June 2023 iyo 16-ka bisha June 2024."
Hay'adda ayaa sheegtay in caqabadaha jira oo ay ka mid yihiin is bedelka cimilada ee sababay abaaraha dalka ku soo noqnoqday, amniga iyo xaaladaha siyaasadeed ay carqaladeyn karaan hannaanka dayn-cafinta, walow ay sheegtay marka aad eegto dadaalada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay arrimuhu u socdaan si wanaagsan.
"Dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Somaliya waxaa culeyska saaray abaarta iyo xawaaladaha oo hoos u dhacay, waxaana saadaasha kobaca wax soosaarka gudaha ee 2023 hoos loo dhigay ¼, 2.8%. Celcelis ahaan sicir bararka ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco 4.2% sanadkan 2023, marka qiimaha badeecadaha uu hoos u dhaco. Khatarta mustaqbalka dhow ayaa sare loo qaaday, oo ay ku jirto dhibaatada ka sii dareysa ee cunto yarida, haddii roobabka caafimaadka qaba aysan sii da'in 2023 ama haddii qiimaha badeecaduhu uu kordho. Khataraha kale waxaa ka mid ah caqabadaha amniga, xaaladaha siyaasadeed iyo silbashooyinka siyaasadda ee dib u dhigi kara gaaritaanka barta dhameystirka ee barnaamijka dayn-cafinta." Ayaa lagu sheegay bayaanka.
Bayaanka ayaa lagu yiri "Maalgelinta waqtiga ku habboon iyo taageerada kobcinta kartida ee la hawlgalayaasha horumarinta ayaa lagama maarmaan u ah hirgelinta in lagu guuleysto istiraatiijiyadda dib-u-habaynta maamulka. Qaaraanka ka imaanaya la hawlgalayaasha Somaliya ee Sanduuqa Dalka Somaliya waa muhiim, si loo hubiyo in si habsami leh loo gaarsiiyo kaalmada farsamo ee IMF, iyadoo la taageerayo yoolalka barnaamijka dayn-cafinta."
Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay bayaanka ka soo baxay Hay'adda IMF.
"Tani waa war wanaagsan oo ka yimid Guddiga Fulinta IMF ee Somaliya. Dib-u-habayntayadu waxay weli ku socotaa waddadii saxda ahayd, waxaana naga go'an inaan aragno iyadoo la dhameystiray, inkastoo caqabado jiraan." Ayuu yiri Wasiirku.
Somaliya ayaa hadda guda galeysaa wejigii ugu dambeeyay ee dayn-cafinta, kaas oo qorshuhu yahay in la soo geba-gabeeyo daba-yaaqada sanadkan 2023.
Hannaanka dayn-cafinta ayaa sahlaya in 5-tii bilyan ee dollar ee dalka lagu lahaa in ugu yaraan, boqolkiiba sideetan (80%) laga dhaafo dalka.
Dowladda Federaalka ayaa dhammaadka sanadkan fileysa in dalka laga cafiyo lacagtaasi.


