Hay'adda Maareynta Masiibooyinka oo digniin ka soo saartay roobab laga yaabo in ay dalka ka da'aan

Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa soo saartay digniino ku aaddan roobab xoogan, oo ay suurtagal tahay in ay ka da'aan gobolada dalka qaarkood.
Hay'adda SODMA ayaa sheegtay in ay jiraan xaalado ka soo cusboonaaday xaaladda roobka ee xilligan, sida saadaasha gu'ga ay muujineyso, isla-markaana ay roobab culus ka da'i doonaan Gobolada Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabellaha Dhexe, Banaadir, Shabellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Hay'adda ayaa shacabka ku dhaqan goboladaasi kula talisay in ay si weyn uga feejignaadaan goobaha biyo mareenada iyo agagaarka hareeraha webiga, isla-markaana ay fahmaan saamaynta ay daadadka roobabku ku yeelan karaan naftooda iyo maalkoodaba.
Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay digniinaha ay ka bixinayaan roobabka mahiigaanka ah, ee laga yaabo in ay ka da'aan inta badan gobolada dalka.
Gudoomiyaha ayaa shacabka faray in ay si dhow ula socdaan farriimaha ay hay'adda ka soo saareyso roobabkaasi.
"Waxaan halkan u joognaa waxay tahay inaan ummadda Soomaaliyeed, meel kasta ay joogto uga digno inay ka fogaadaan meelaha ay khataruhu ka dhici karaan." Ayuu yiri Gudoomiyaha Hay'adda SODMA.
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray "Waxaan rabnaa in laga sikado meel kasta oo biyuhu ku soo rogman karaan, lagana wareego."
Digniintan ayaa imaanaysa, xilli daadad iyo fatahaado ay ka dhasheen roobab maalmihii la soo dhaafay ka da'ay qaybo ka mida dalka.


