Hay'adda NISA oo shaqaale cusub ka qoraneysa Magaalada Baydhabo

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waddo qorshe ay ku kordhineyso tirada Ciidanka Dharcadka ee ka hawlgala Magaalada Baydhabo, xilli ciidamada taageersan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay weeraro ku hayaan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha cusub ay yihiin kuwo laga soo xulayo bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay gacan uga gaystaan dadaalada ay Dowladda Federaalka ku xasilineyso ammaanka magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shaqaalahan ay noqon doonaan kuwo lagu kalsoon yahay, isla-markaana si buuxda ula socda dhaqdhaqaaqyada ka jira xaafadaha magaalada.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in ujeedada loo shaqaaleysiinayo shaqaalahan ay tahay inay soo gudbiyaan xogaha shakhsiyaadka khatarta ku ah nolosha bulshada, taas oo ciidamada u suurtagelineysa inay si fudud gacanta ugu soo dhigaan, tallaabo sharci ahna looga qaado.

Tani waa mid lagu dejinayo cabsida sii kordheysa ee dadka deegaanka, isla-markaana ka walaacsan in xaaladda amniga ee magaalada ay faraha ka sii baxeysa.

Falalka amni darrada ayaa ku soo badanayay magaalada, tan iyo markii meesha laga saaray Maamulkii Madaxweyne Laftagareen.

Baydhabo ayaa waxaa hadda ku sugan Saraakiil sarsare oo isugu jira Booliska, Nabad Sugidda iyo Militariga Somaliya, kuwaas oo hay'adaha ammaanka ee maxaliga kala shaqeynaya arrimaha amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nugul ee ka jirta magaaladaasi.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaan gooniya siineysa amniga Baydhabo, sababtuna waa inuu miro-dhalo is bedelkii siyaasadeed ee 30-kii bishii March ka dhacay magaaladaasi, markaas oo saaxada siyaasadda laga saaray Laftagareen, ka dib in ka badan toddobo sano oo uu maamulayay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.