Hirshabelle oo meesha ka saartay in Al Shabaab ay qabsan karto Jowhar

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa hoos u dhigtay suurtagalnimada in maleeshiyada Al Shabaab ay qabsan karaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Al Shabaab ayaa muddooyinkan culeys gaar ah ku haysay gobolkaasi, iyadoona ay maleeshiyadeedu qabsadeen in ka badan toban deegaan oo dhaca bariga gobolkaasi, oo qaarkoodna ay hoostagaan Magaalada Jowhar.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Hirshabelle ayaa ku sugan bannaanada magaalada, si ay uga difaacaan, haddii ay maleeshiyadu soo weerarto.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegaya in Shabaabku aanay qabsan karin Jowhar, oo hadda xarun u ah Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay doonayaan in Shabaab ay dib uga riixaan deegaanadii ay qabsadeen iyo inay ka saaraan galbeedka Hirshabelle oo horey ay u joogeen, taasi cagsigeedana ay Shabaabku ku mashquulsan yihiin in ay Hirshabelle wada qabsadaan.
"Annagu waxaan rabnaa Shabaab inaan ka adkaano oo meelihii ay qabsadeen ka saarno, meelaha ay horey u joogeen oo galbeedka ahna inaan ka saarno, ayaguna waxay rabaan inay na qabsadaan." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa yiri "Jowhar waa xaruntii maamulka waa sax, way difaacan tahay. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Hirshabelle ayaa ku sugan, mana qabsan karaan, meelo dambe oo Hirshabelle ah inaanan la qabsan ayaan rajo ka qabaa aniga."
Wasiir Karoore ayaa ku waramaya in Shabaabku ay si qorsheysan ugu soo duuleen deegaano badan oo ka tirsan Hirshabelle, balse ay xaaladdu wax iska bedeli doonaan toddobaadyada soo socda.
"Nimankan waxay ku soo duuleen deegaano badan oo Hirshabelle ah, abaabul qorsheysan ayayna ugu soo duuleen. Meelaha qaar waa lagu jebiyay oo looga adkaaday, meelaha qaarkoodna way soo gaareen, haddana si tabar darro ah ayay ku joogaan. Insha'Allah toddobaadyada soo socda tallaabo ayaa laga wada qaadi doonnaa." Ayuu yiri Karoore.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaabulaya ciidamada, si Shabaab looga saaro dhulkii ay dhawaan ka qabsadeen Hirshabelle.