Hirshabelle oo shaacisay in qorshaha xasillinta uu ka bilowday deegaanada la xoreeyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa caawa sheegay in qorshaha xasillinta uu ka bilowday deegaanada Hirshabelle, ee horaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.
Qorshaha xasillinta waa barnaamij ay Villa Somalia ku dooneyso in nidaamka dowladnimada lagu gaarsiiyo deegaanada la qabtay, gargaarka iyo adeegyada aasaasigana ay u helaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in deegaanada la qabtay ay gaarsiiyeen gargaar iyo mashaariic horumarineed, oo sida uu sheegay deegaanadaasi laga fulinayo.
Wasiirka ayaa tilmaamay in goobaha wax la gaarsiiyay ay ka mid yihiin deegaanada hoostagga Degmooyinka Matabaan, Buulo Barde, Jalalaqsi, Maxaas, Beledweyne, Ruunirgood iyo Aadan Yabaal.
"Goob kastoo Al Shabaab laga qabtay iyo goobihii horey loo haayayba in dowladnimo ka shaqeyso oo horumar la gaarsiiyo, amnigana laga shaqeeyo weeye." Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa laamaha amniga ku booriyay in ay maamulada degmooyinka iyo deegaanada kala shaqeeyaan amniga iyo sidii gargaarka iyo mashaariicda horumarineed loo gaarsiin lahaa.
Dhanka kale Wasiir Karoore ayaa sheegay in uu socdo abaabul ay tahay in maleeshiyada Shabaabka lagaga saaro deegaanada ay haatan kaga harsan yihiin labada gobol ee Hirshabelle.
Inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay uu hakad ku yimid hawlgalada, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ay waddo qorshe dib hawlgalada looga bilaabayo Gobolada Dhexe.
Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ayaa horey Shabaabka uga saaray, inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.


