Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed oo xilka la wareegay
Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Khamiistan xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo.
Munaasabadan oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayuu Hoggaamiyaha cusub uu xilka uga la wareegay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, kaas oo illaa 1-dii bishii April ku magacawnaa Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed.
"Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka socday hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale." Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga wararka Madaxtooyada.
Warka ayaa lagu sheegay in Jibriil Cabdirashiid uu Hoggaamiyaha cusub ku wareejiyay dokumentiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, isla-markaana uu ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Arbacadii Aadan Madoobe u doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha xiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe ayaa isla shalay loo dhaariyay xilka loo doortay, ka dib in ka badan afar sano oo uu ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Aadan Madoobe ayaa la sii qiyaasayay in loo dooran doono Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, marka aad eegto in aqlabiyadda Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ka tirsan yihiin Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh Xasan iyo Labadiisa Kuxigeen Aadan Xasan Maxamed (Osama) iyo Shamsa Maxamed Yarow ayaa sidoo ka tirsan JSP.













