Hoobiyeyaal lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde oo hakisay duulimaadyada qaar

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaasha oo aan la garanayn halka laga soo tuuray ayaa gudaha ugu dhacay xeendaabka Xerada Xalane.

Jugta hoobiyeyaasha ayaa barqanimadii maanta si weyn looga maqlay degmooyinka ku xeeran Garoonka Aadan Cadde.

Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in laba ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ee magaalada iman jiray aanay maanta iman.

Shaqaalaha ayaa sheegay in duulimaadyadii Qatar Airways iyo Flydubai ee Sabtidan loo baajiyay dhacdada la xiriirta hoobiyeyaasha ku soo dhacay garoonka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaashaasi, oo maleeshiyada Al Shabaab ay sheegatay.

Laamaha amniga ayaan ka hadlin hoobiyeyaashan ugu dambeeyay ee maanta lagu weeraray magaalada.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay hoobiyeyaasha uu bartilmaameedkoodu yahay Aqalka Villa Somalia iyo Garoonka Aadan Cadde.