Hoos u dhac weyn oo ku yimid ganacsiga Magaalada Baydhabo

Culeyska amni ee ka jira Magaalada Baydhabo ayaa u sabab ah in uu si weyn hoos ugu dhaco dhaqaalaha iyo ganacsiga magaaladaasi, oo aad arki karto in uu galay marxalad ciriiri iyo sugnaansho la'aan ah.

Iska horimaadyada hubeysan iyo loolanka dhanka awoodda maamulka ee u dhexeeya maamulka cusub ee taabacsan Dowladda Federaalka iyo hoggaankii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xaddiday gaadiidkii rarka xamuulka ee imanayay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya inuu hoos u dhac weyn ku yimid dhaqdhaqaaqa waddooyinka saadka ee Baydhabo, Muqdisho iyo gobolada kale, isla-markaana ay ugu wacan tahay khilaafka siyaaadeed ee isu bedelay gacan ka hadalka.

Goobo ganacsi ayaa ku gubtay dagaalkii 17-kii bishii August ka dhacay bartamaha magaalada, iyadoo hoobiyeyaashii la isweydaarsaday dagaalkii 3-dii bishan ka dhacay afaafka hore ee magaaalda ay baabi'iyeen hanti badan iyo dukaamo.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada iyo qulqulka saadka iyo sahayda ee yaraaday ayaa ganacsatada qaar ku khasbay inay xiraan meheradahooda.

Magaalada ayaa waxaa laga dareemayaa sicir barar iyo inay wax kasta sii qaaliyoobayaan, iyadoo ayna meesha ka sii baxeyso saxmaddii iyo wax kala iibsigii xooliga lahaa ee Suuqa Weyn ee Baydhabo.

"Badeecadihii ama shay kasta oo magaalada yaala qiimihii caadiga ee lagu iibin jiray wuu kordhay, waxayna magaalada gaartay heer adag oo go'doon miiran ah." Ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Baydhabo oo aan la hadalnay.

Cali Aadan Isaaq oo ka mid ah dhallinyarada deegaanka ayaa inoo sheegay in sidii hore aaddan suuqa uga heli karin, wixii aad u baahneyd, taasoo ku tusineysa, sida loolanka ba'an ee awood muujinta ee dhinacyada iska soo horjeeda uu u burburinayo dhaqaalaha Baydhabo.

Qoysaska faraha badan ee cabsida awgeed uga barakacaya magaalada ayaa qayb ka ah inuu hoos u dhaco iibka iyo dhaqdhaqaaqa lacageed ee suuqyada magaaladaasi.

Dhanka kale garabka mucaaradka ee Ex Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa la sheegay inay mar sii horreysay gawaarida dhagxaanta dhismaha ka joojiyeen inay taggaan magaalada.

Masuuliyiinta Dowladda Hoose ee Baydhabo ayaa kuu sheegaya in dhismayaashii ka socday magaalada ay ku dhow yihiin inay joogsadaan, sababtuna waa in xoogaga taageersan Laftagareen ee ku sugan darafyada magaalada aysan ogoleyn in la keeno dhagxaanta lagu dhiso guryaha.

Khubarada dhanka dhaqaalaha ayaa laga soo xigtay in dhaqaalaha Baydhabo uu burbur qarka u saaran yahay, tanina waxay ku sheegeen cawaaqibka ka dhashay duruufaha amni ee ku xeeran magaalada.

Dhaqaalaha Baydhabo ayaa la sheegaya in uu burburi karo, haddii ay xaaladdu sidaan ku sii socoto ama aan la helin heshiis siyaasadeed oo degdeg ah amaba aan la furin waddooyinka xiran.

Baydhabo waxay muddo dheer ahayd magaalo ganacsi, waxaana loo tixgeliyaa xarunta iyo isha ugu weyn ee dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.