Hooyo afar gabdho oo mataano ah ku umushay Magaalada Muqdisho

Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo ah hooyo Soomaaliyeed ayaa afar gabdho oo mataano ah habeen hore ku umushay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, Dr Fartuun Shariif Maxamed ayaa sheegtay in caafimaadka hooyada iyo carruurtooduba uu yahay mid wanaagsan.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Cali Xaaji Aadan oo Jimcihii gaaray isbitaalkaasi ayaa booqday qaybta ay ku umushay hooyadaasi, isagoo markaasi u kuurgelayay xaaladeeda iyo tan carruurtaba.

Wasiirka ayaa laba ka mid ah gabdhahaasi ugu magac-daray Qamar iyo Sahra, oo ah xaasaska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo midda saddexaad ugu magac-daray Fartuun, oo ah Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, halka tan kalena uu ugu magac-daray Xalwo, oo dhakhtaradii hooyadaasi umulisay ah.

Wasiirka ayaa hooyo Maryan Maxamed guddoonsiiyay lacag uu sheegay in ay ugu talagaleen in sahay safar ka dhigato, bacdamaa ay miyiga ka timid.

Waa dhif iyo naadir in goobaha caafimaadka ee dalka laga diiwaangeliyo, tiro mataano oo intaasi le'eg.