Howlihii Dekedda Magaalada Muqdisho oo istaagay

Waxaa uu gaabis xoog leh ku yimid howlihii shaqo ee ka jiray Dekedda Magaalada Muqdisho, ka dib markii Dowladda Federaalka ay canshuurta ku kordhisay agabyada laga la soo deggo dekeddaasi.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa Arbacadii soo saartay warqad canshuur kordhin ah, iyadoona kordhisay tacriifada iyo canshuurta iibka, ee laga qaado qalabka dhismaha, agabyada guryaha & xafiisyada, gawaarida, maacuunta cunnada lagu karsado, qalabka elektorooniga, dharka, kabaha, waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan iyo weliba tubaakada.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ganacsatada Magaalada Muqdisho ay u muuqdaan kuwo ka gadooday canshuur kordhintaasi, oo ay u arkaan mid aad u badan, waana xilli aan laga talagelin.
Wariye-yaasha ayaa sidoo kale soo sheegaya in shalay iyo maantaba aanay ganacsatadu wax agabyo ah kala bixin dekedda, dhaqdhaqaaqeeduna uu aad u xadidan yahay.
Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliya, Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay in canshuur kordhintu ay tahay mid la filan karay, balse aanay jirin wax talo ahi oo canshuur kordhintaasi ay ku leeyihiin.
"Canshuuraad in la kordhiyo runtii waa wax la filaayo, ha yeeshee cid ka warqabtay lama arko, ganacsatada talo laga weydiiyay ma jirto, Xafiiska Rugta Ganacsiga waxba laga lama socodsiin." Ayuu yiri Agaasimaha.
Agaasimaha ayaa yiri "Ganacsatadii oo yaaceyso oo dekedda warqaddii la geeyay aragtay ayaa noo timid, arrintaasna waxay kaliftay shalay illaa maanta dekedda inaysan wax alaabo ah ka soo bixin."
Agaasimaha ayaa canshuur kordhintan ku tilmaamay mid culeys weyn ku hayso ganacsiga dalka, bacdamaa ay u arkaan in ay badan tahay.
"Warqaddaas markaan akhrinay oo aan eegnay kordhinta la sameeyay, aad bay inoo la badan tahay guud ahaan. Marka laga hadlayo xagga ganacsiga, Wasaaradda Maaliyadda waxaan kula jirnaa heshiisyo kala duwan, oo ah Rugta Ganacsiga inta aysan canshuuraadka gaarin ganacsatadu meelaha ay canshuuraadka ku bixiyaan in aan talo ku darno." Ayuu yiri Agaasime Dhoore.
Waxa kaloo uu yiri "Ganacsatadu xil bay iska saaraan howlo badan oo waajibaad runna oo toos ahayn, waddooyin baan dhisnaa, waxaan ka qayb qaadanaa gargaarka, gurmadka fatahaadaha iyo abaaraha, sidaasi darteed marka canshuur la kordhinayana, waan ku khasbanahay inaan fadhino oo talo ku darno, xitaa haddii canshuurta la kordhinayo dhinaca lagu kordhinayo iyo dhinaca laga yareynayo, talooyin noocaas ah ayaan marar fara-badan bixin jirnay, wasaaraddana aan kala dhageysan jirnay."
Agaasime Dhoore ayaa intaa ku daray "Hadda markii ugu horreysay maadaama ay tahay, waxaa laga yaabaa Wasaaradda Maaliyadda inay iska hilmaamtay inaan xuquuqdaas leenahay, shalay waan la hadalnay, laakiin waqtigii maanta la ballamay ayaa la isku imaan waayay."


