Idaacadda Marka FM oo la xiray, xilli iska horimaad uu ka dhacay Magaalada Marka

Maamulka Idaacadda Marka FM ayaa shaaciyay in ay si ku-meel-gaar ah u joojiyeen howlihii warbaahineed ee ay shacabka u hakiyeen, ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen maamulka ka arrimiya Magaalada Marka.

Maamulka Idaacadda Marka ayaa sheegay in ay ka shaqayn la'yihiin Gudoomiyaha Degmada Marka, Cismaan Muuse Maxamed iyo saraakiisha amniga, taasna ay keentay in ay qaataan go'aankan ay shaqo joojinta ku sameynayaan.

"Go’aankan waxa uu yimid, ka dib is fahan la’aan soo noqnoqotay, cadaadis shaqo, caqabado amni iyo handadaad aan dhowr jeer kala kulanay Gudoomiyaha Degmada Marka, Cismaan Muuse iyo saraakiisha amniga, kuwaas oo saamayn ku yeeshay xorriyaddii shaqada iyo jewigii ay idaacaddu ku shaqayn lahayd, si madaxbannaan oo ammaan ah." Ayuu Maamulka Idaacadda Marka FM ku sheegay warsaxaafadeed ay la wadaageen hay'adaha xuquuqda aadanaha iyo bahda Warbaahinta.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri "Caqabadaha na qabsaday waxaa ka mid ah: Is fahan la’aan ku saabsan howlaha warbaahineed oo keentay in si joogto ah naloo fara-geliyo ama naloo xaddido awooddii aan ku gudan lahayn shaqadeenna. Cadaadis & farriimo aan caddeyn oo aan lahayn hannaan sharci ah iyo gacan ka hadal, taas oo abuurtay jewi cabsi gelin iyo hubanti la’aan shaqo."

Maamulka ayaa sheegay in duruufaha amniga ee ku gadaaman ay ku riixeen in ay ka fekeraan badqabka shaqaalaha iyo qalabka idaacadda, taas oo u leh mudnaanta koowaad, waana sababta ay shaqo joojintan u sameynayaan.

Maamulka ayaa warsaxaafadeedka ku muujiyay in go'aankoodan uu sidiisa sii ahaan doono, illaa iyo inta laga helayo jewi amni oo suurtagelinaya in idaacaddu ay ku shaqeyso si xorriyad ah.

"Tani ma ahan joojin joogto ah, balse waa tallaabo lagama maarmaan u noqotay in la qaado, si loo dhowro amniga idaacadda, loona xaliyo caqabadaha jira." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Maamulka Idaacadda Marka FM ayaa ku baaqay "Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Degmada iyo saraakiisha amniga in la joojiyo fara-gelinta shaqo ee Warbaahinta Marka FM Somalia, Ururada Warbaahinta iyo hay’adaha xuquuqda aadanahana in ay gacan ka gaystaan taageerada ilaalinta xorriyadda Saxaafadda."

Idaacadda ayaa galabta hawada laga saaray, saacado uun ka dib, markii iska horimaad uu ka dhacay aagga Xarunta Maamulka Gobolka ee Magaalada Marka.

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Gudoomiyaha Degmada Marka iyo Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga & Siyaasadda ee Marka, Maxamed Sheekh Xasan.

Isku dhacaan hubeysan ayaa qalqal amni ka abuuray gudaha magaalada, mana cadda waxa uu salku ku hayo in ay wada dagaalamaan ilaalada masuuliyiintii ugu sarreysay ee maamulka magaaladaasi.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaan weli ka hadlin shaqaaqadan ugu dambeysay ee ka dhacday Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Marka.

Lama soo warin khasaare dhimasho ah oo iska horimaadku uu gaystay, marka laga soo tago in dhaawac uu jiro.

Idaacadda Marka FM ayaa loo maleynaya in lagu haysto warbixin ay kaga warameysay iska horimaadkaasi.